Hargeysa (Dawan) Da’da ilmaha inta u dhexeysa 8 bilood illaa hal sano, waxaa maskaxdiisa soo gala fikirka geerida, ama ugu yaraan in noloshu ay leedahay dhammaad, waxa aanay inta badan la bilaabantaa marka hooyadu ay naaska ay ka deyso, oo uu dareemo in uu gaar ka noqday ciddii uu ku tiirsanaa.
Marka uu laba sano gaadho waxa uu bilaabaa in uu ku dhawaaqo ereyada muujinaya ‘Geeri’ oo si gaar ah looga maqlo marka uu ciyaarayo, tusaale ahaan, “Boommm, Waan ku dilay!” In kasta oo geerida uu ka hadlayaa ay tahay mid la mid ah geerida qisaska Carruurta ku jirta ee aakhirka dib loo soo noolaanayo. Waana sababta marka ilmaha yar iyada oo lagu ciyaarayo la isaga dhigo in la dhintay, uu cabbaar kaddib u yidhaahdo, ereyo la macne ah in la tooso oo ciyaartii dhammaatay.
Marka uu ilmuhu gaadho lix jirka waxa uu si buuxda u gartaa in geeridu ay tahay dhacdo gunaanad u ah nolosha oo aanu qofku adduunyada ku soo noqonayn. Waxa aanu markaas bilaabaa in uu waalidka weydiiyo su’aalo la xidhiidha jiritaanka iyo nolosha.
Marka la gaadho da’da siddeed sano jirkana, waxa uu ogaadaa in dhimashadu ay tahay xukun dhammaan dadka oo dhami marayaan, isaga qudhiisuna uu maalin dhiman doono.
Haddaba waxaa in badan dhibaato ka dhacda xilliga ugu habboon ee ay tahay in ilmaha loo sheego geerida cidda uu jecelyahay. Tusaale ahaan marka uu waalidku geeriyoodo, Carruurta da’da yar ma in laga qariyo ayaa fiican mise waxaa jirta da’ ay tahay in loo sheego?
Xaalad kasta oo lagu jiraba waxaa qasab ah in ilmaha looga warramo xaqiiqada. Waayo, mar kasta oo aynu ku dhiiranno in aynu arrinta jirta hortiisa keenno, waxa ay dawo u tahay in aanu mawduuca u arkin mid uu ka hadalkiisu xaaraan yahay iyo in aanay ilmaha maskaxdiisu ku mashquulin raadinta xal mala-awaal ah.
Xeeldheereyaasha cilminafsiga ayaa sheegaya ilmaha oo laga qariyo xaqiiqada dhimashada, iyo in aan fursad loo siinin ka qaybgalka jinaasada tusaale ahaan waalidkii ama awoowgii iyo ayeeyadii oo uu jeclaa, in ay ku keeni karto shoog iyo niyadjab weyn. Sidaas awgeed waxaa waalidka lagula talinayaa in ilmuhu haddii uu 7 sano jir dhaafo aanay ka qarin geerida cidda ay jecelyihiin, isla markaana aanay u diidin in uu u raaco xabaasha qofka qoyska dhow ah. Gaar ahaan marka uu isagu sidaas dalbado. Waxa kale oo muhiim ah in waalidku aanu ka gabban in uu ilmihiisa kala hadlo geeridaas dhacday.
Isaga oo si deggen ugu sheegaya tusaalayaa hore oo dad iyo xawaanno dhintay ah.
Waxa kale oo ay ku talinayaan in ilmaha la fahamsiiyo in dhammaan aadamuhu uu dhimanayo, iyo in kasta oo ay da’da weyni u badantahayna, haddana aanay yaraan iyo weynaan. Waxa iyaduna muhiim ah in ilmaha la fahamsiiyo in dhimashadu aanay ahayn khalad uu qof leeyahay, balse ay tahay sunnaha nolosha ee Alle sidaas u dhigay.
Waxaa iyadana ay xeeldheereyaashu hoosta ka xariiqeen in waalidku uu ilmaha dareensiiyo in waalidka qudhiisu dhiman karo, laakiin aanu taas macnaheedu ahayn in uu ilmuhu u baahan doono. Waa in ilmuhu uu dareemaa, xitaa haddii waalidkii dhintu in uu isagu weynaan doono oo noloshiisa uu wadan kari doono, isaga oo aan u dhantaalmayn geerida waalidka, arrintani waxa ay ka hortegeysaa, haddiiba ay dhacdo in waalidku dhinto in aanay ilmaha ku iman xaalado nafsiya oo noloshiisa burburiya, isaga oo aaminaya in aanu nolosha sii wadan karin waalidka la’aantii.
Qodobka kale ee ay xeeldheereyaasha cilmiga nafsigu sheegeen in ilmaha lagu baraarujiyo ayaa ah in geerida dabadeed ay jirto nolol, sidaas awgeed aanay dhimashadu ahayn wax laga xumaado ee ay tahay uun nolol kale oo Alle muslimka nimco ka fiican adduunka ugu diyaariyey. Taasi waxa ay ilmaha u diyaarinaysaa in uu ka fikiro wanaagga ay leedahay u diyaargarowga nolosha dambe ee aakhiro oo ay ka mid tahay in cibaadada la ilaaliyo, waxa kale oo ay ka saaraysaa warwar kasta oo laga yaabo in uu u qabo xaaladda uu ku dambeeyey waalidkiisa geeriyooday.
–Kamaal Marjaan