Faham U Yeelo 10 Cunto oo Miisaanka lagu dhimo

0
714

Hargeysa (Dawan) Cunnooyinka aan cunno waxey ku kala duwan yihiin xaddiga tamar (Calories) ee laga helo, sababtoo ah cunnooyinka kala duwan waxay lee yihiin siyaabo kala duwan oo uu jirka u shiido. Sidaa darteed cunnooyinka waxey siyaaba kala duwan u saameyn karaan dareenka gaajada, hormoonada iyo tamarka uu jirka gubo.

Waxaan tusaale ahaan u soo qaadaneynaa 11 cunnooyin oo la quuto si loo dhimo miisaanka jirka ama joogteynta miisaanka.

Ukun buuxda

In kastoo ukunta looga shakiyo iney kiciso xaddiga dufan ee ku jira jirka, hasa yeeshee waxaa la aamin san yahay hadii lagu quraacdo mid ama laba ukun, iney ka caawin karto qufka dhimista ama joogteynta miisaanka sababtoo ah waxey qani ku tahay borotiin, waxey kaa sahleysaa sidi aad ku dareemi laheyd dharag adigoon wax badan cunin

Qudaarta cagaaran

Noocyada kala duwan ee qudaarta cagaaran waxey qani ku yihiin walxa fududeeya dhimista miisaanka. Sidoo kale waxaa ku yar tamarta iyo maada carbohydrate. Quudashada qudaarta cagaaran ayaa sahleysa in qofku uu wax badan ka cuno, qudaar aan laheyn tamar badan oo cayilka sahasha. Qudaarta waxey qani ku tahay noocyada kala duwan ee fitaminada uu jirka u baahan yahay.

Kalluunka loo yaqaano salmon

Kalluunkaan wuxuu qani ku yahay borotiin iyo dufanka wanaagsan iyo nafaqooyin kale oo jirka muhiim u ah. Kalluunka iyo cunnooyinka bada guud ahaan waxaa laga helaan xaddi fiican oo maadada iodine ah. Maadadaan waxey muhiimad u lee dahay qanjirka toroodhka oo ka ciyaara kaalin weyn kiimikaal shiidka jirka. Sidoo kale kalluunkaan waxaa laga helaa Omega 3 oo ah maada ka qeyb qaadata yareenta caabuqa jirka ka dhaca iyo ka hortagidda cayilka

Borokoliga iyo kaabash

Qudaartaan waxey la mid tahay noocyada kala duwan ee cagaarka, waxaana laga helaa xaddi fiican oo borotiin ah. Isku darka borotiin, fayber iyo tamar yar ayaa ka dhigeysa borokoliga iyo kaabashka cunno wanaagsan in la cunno hadii qofku uu rabo inuu miisaankiisa dhimo

Bataati lagu kariyay biyo

Bataati macaanka wuxuu qani ku yahay fitaminada B6, C, D. sidoo kale waxaa laga helaa maadada birta ah oo u wanaagsan dhiiga, sidoo kale waxaa laga helaa macdanta loo yaqaano magnesium. Waxyaabaha gaarka u ah, ayaa ah  in bataatigaan uusan kicinin sonkorta dhiiga.

Noocyada kala duwan ee digirta

Digirta, salbuktada, misirta, haruurka iyo falfaliirka, cunnooyinkaan waxey qani ku yihiin borotiinka iyo fayberka oo ah laba maado, ka qeyb qaadata in qofku uu dareemo dharag marka uu wax yar ka cuno.

Afokaadho

Afokaadhada waxey qani ku tahay dufanka u wanaagsan jirka gaar ahaan xididada dhiiga, afokaadhada waxey ku wanaagsan tahay in lagula cuno ansalaatada.

Khalka laga sameeyay tufaaxa

Khalkaan ayaa ah mid sii fiican ay u hadal hayaan dadka ku takhasusay nafaqada. Daraasado badan oo la sameeyay ayaa tilmaamaya in khalkaan uu kor u qaado dareenka dharagta taas oo hoos u dhigeysa in qofku uu quuto cunno badan, sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa kor u kaca ku yimaada sonkorta ku jirta dhiiga cunnada kedib.

Noocyada kala duwan ee lowska

Lowska wuxuu caan ku yahay dufanka wanaagsan, daraasad ayaa tilmaameysa in cunnista lowska ay kor u qaado heerka kiimikaal shiidka jirka. Waa muhiim inaad quudatid xadi macquul ah, sababtoo ah lowsku wuxuu lee yahay tamar badan.

Cunnooyinka laga sameeyay Qamadiga

Rootiga madow iyo bariiska buniga ah ayaa ah cunnooyinka laga sameeyay qamadiga. Waxaa muhiim ah inaad fiiro gaar ah u yeelatid cunnada lasoo warshadeeyay ee lagu qoro iney ka sameysan yihiin qamadiga.

Midho

Khubarada caafimaadka waxey ka mideysan yihiin in ay miraha lee yihiin faa’ido caafimaad. Miraha waa sayf laba afood ah sababtoo ah waxey badankood lee yihiin sonkor, sidaa darteed waa muhiim xadi macquul ah laga cuno mar kasta

Gunaanad

Cunnooyinka kor ku qoran marka la lee yahay waxaa ku yar tamarta waxaa loola jeedaa, hadii qofka uu si macquul ah, oo aan ka dharag aheyn hadii uu u cuno, iney ka saacidayaan dareenka gaajada oo hoos u dhaca, iyo in cunnooyinkaan laga helo nafaqo iyo macdan walba uu jirka u baahan yahay.

Xigasho Daryeel Magazine

Leave a Reply