Markii sanadku dhamaaday ayuu qolkiisa akhriska fadhiistay, waxaana uu qalinkiisa u diyaariyay inuu ku qoro noloshiisa sanadkii dhamaaday , waxaana uu ku bilaabay:
“ Sanadkii tegay waxaan galay qaliin kaadi haysta ah, waxaan sariirta jiifay muddo dhowr bilood ah, waxaana aan gaadhay da’da lixdanka ka dibna waxa la iga fadhiisiyay shaqadii Daaru Nashri oo aan ka shaqaynayay muddo 30 sano ah, sanadkaasi waxa dhintay aabahay, wiilkayguna wuxu dhacay imtixaankii jaamacadda caafimaadka, ka dib markii uu ka maqnaa waxbarashada dhawr bilood oo uu galay shil gaadhi”. Waxaana uu qoraalkiisa ku soo xidhay “ Wuxu ahaa sanad xun”.
Gabadhiisa ayaa ka dib soo gashay qolkii akhriska waxay aragtay warqadii, waxayna bilowday inay akhrido way iska baxday iyadoon la hadal, laakiin haddana wax yar ka dib ayay soo noqotay iyadoo gacanta ku sidata warqad kale waxaana ay si degan u ag dhigtay warqadii uu qoray ninkeedu.
Ninkii ayaa qaaday warqadii gabadhiisa waana uu akhriyay waxaana ku qoraa : “ Sanadkii tegay waxaad ka bogsatay xanuun kaadi haysta ah oo muddo dheer aad la dhibaatoonaysay, waxaanad gaadhay lixdan sano adigoo caafimaad qaba, waxaad ka fadhiisatay shaqadii si aad wakhti ugu hesho qoraalada kutubta aad alifto, waxa agtaada ku dhintay aabaha oo gaadhay 85 sano iyadoo aan wax dhibaato ahi kaa qabsan isna wax dhib ahi gaadhin.
Wiilkaaga ayaa ka badbadaay shil baabuur iyadoo aany wax raad ah ku reebin oo aanu naafo noqon”. Waxaana ay ku soo xidhay : “ Wuxu ahaa sanad wanaagsan, wanaagga aynu helay ayaa ka badana waxa ina soo gaadhay” . Sidaas ayay dadku midba dhinac uga muuqataa arrimo haddana isku mid ah. Dhibaato kastana waxa jira mid ka sii weyn.