Wasaaradda Maaliyadda oo Shaqaalaha Dakhliga u Qabatay Muxaadaro ku Saabsan Amaanadda

0
386

Berbera (Dawan)- Shaqaalaha iyo Maamulka kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL ee Gobolka Saaxil sida Kastamka, Cashuuraha Berriga, Xisaabaadka iyo ciidanka ilaalada cashuuraha ayaa doraad loo qabtay muxaadiro diini ah oo lagu xusuusinayey muhiimadda Diinta Islaamku u dejisay ilaalinta amaanadda.

Muxaadaradda oo uu u jeediyey Sheekh Faysal Maxamed Geelle, cinwaankeedu-na ahaa gudashada Amaanada Iyo Dhawrsanaanta Akhlaaqda Shaqada, ayaa loogu jeediyey ilaaliyaan amaanada ay Qaranka u hayaan uguna shaqeeyaan si eex-la’aan ah.

Sheekh Faysal oo ku dheeraaday amaanadda iyo ilaalinteeda ayaa carabka ku adkeeyey kaalinta weyn ee ay ku leedahay diinteena suuban ilaalinta amaanada umaddu, oo qayb ka tahay barnaamij Wasaaradda Maaliyadu ku toosinayso qiyamka hawl-wadeenada dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha.

Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaqaalaha Gobolka Saaxil u qabtay tabobaro la xidhiidha daryeelka macmiilka iyo hogaasanaanta Cashuur-bixiyaha, iyo bug-yaraha hagaha Iyo habraacyada siyaasada shaqaalaha, anshaxmarinta shaqaalaha.

Agaasimaha waaxda Horumarinta shaqaalaha Maxamed Axmed Wayrax iyo Maamule ku xigeenka Kastamka Berbera isla markaana ah ku simaha maamulaha Kastamka Berbera Axmed Ismaaciil Cabdi ayaa hadalo dardaaran iyo dhiirigelin u jeediyey shaqaalaha gobolka Saaxil.

Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda Axmed Muse Maxa’ud ayaa sharaxaad ka bixiyey cashuurta Iibka ee adeegyada iyo Allaabooyinka gaar ahaana adeegsiga iyo hirgalinta mishiinka cashuurta iibka oo ay dhawaan Wasaaraddu bilawday inay dhigto qaybo ka mid ah hudheelada Magaalada Hargeysa.

Agaasime Axmed oo sharaxaad ka bixinaya cashuurta iibka ayaa yidhi, “Cashuurta Iibku maaha mid cusub waxa jidaynaya xeerka Dakhliga guud ee dawladda, lr 72/2016, waxaanay ku waajibtaa alaabooyinka gudaha dalka lagu farsameeyey, adeega korontada, biyaha, isgaadhsiinta, tigidhada gaadiidka circa, dhulka iyo badda, adeegyada hudheeladda , sida cuntada, cabitaanka, jiifka iyo munaasibadaha, sida xafladaha aroosyadda, meheradda, dhalashada, xaddigeeduna waa boqolkiiba 5%.”

Agaasime Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Somaliland inay si hagar-la’aan u bixiyaan cashuurta iibka, isagoo raaciyey in waxtarkeeda laga dareemi doono miisaaniyadda dalka, waxaanu yidhi,

“Cashuurta iibka xaddi yar ayaa qofka alaabta ama adeega loo qabto ku soo hagaagaysa, laakiin, marka ay ururto qeyb weyn ayey ka qaadan doonta dhaqaalaha dalka iyo miisaaniyadda lagu fulinayo adeegyada bulshada.”

Leave a Reply