Xukuumdda Somaliland oo war walaac leh ka soo saartay xaalada Covid19

0
424

Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay xaalada kor u kaca cudurka Covid19 oo mar kale ku soo laba kacleeyey Dalka.

Heerka kor u kaca cudurka ayaa laga dareemayaa tirada dadka laga baadhay iyo kuwa laga helay labadii bilood ee u dambeeyey, iyadoo bishan September ee lagu jiro laga helay in ka badan laba boqol oo qof.

Tirada dhimashada ayaa bishan lagu sheegay inay kor u dhaaftay konton qof.

Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Cali Gaafaadhi oo maanta ka hadlayey kulan ay Guddida ka hortagga Covid19 ku yeesheen qasriga Madaxtooyada.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply