olosha Cadaadiska Ee Bulshooyin Asalka !

0
306

Waxa ay ku nool yihiin deegaano ay ku yar yihiin adeegyada nolosha sida waxabarashada iyo caafimaadka, ee dalka Maraykanka. Bulshadan oo ah kuwa asalka ah ee dalkaasi dhalinyaradiisu waxa ay ku jiraan shaqo la’aan bahsan oo sabab u noqotay saboolnimo baxaad weyn. Sidaa awgeedna waxa ay caadaystaan daroogada, dilka iyo cadaawadda dhexdooda ka jirtaaa waa mid u muuqata inay tahay qayb nolosha ka mid ah oo loo arko ariin iska caadi ah.

Arrimahaasi nolosha kharibaya waxa u sabab ah ka dib markii ay ku qanci waayeen heer nololeedka ay ku jiraan.

Waxa ay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar dilal loogu geysto.

 

Hogaamiyihi bulshada caydha ah ee deegaankan “Hindida Cas” (red Indians Community) Mr.Black Haw ayaa dhawr qarni ka hor reer Yurubkii ku soo duulay America ay ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka.

Sexeexa ayaa lagu sameeyay baal shimbireed.  Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasi  moodayn  maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal badan oo reer Yurub ahi uga sexeexeen wixii ay iyagu doonayeen shucuubtii badawda ahayd ee ay dhulkooda ku duuleen.

Bulshada Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku lahayn Maraykanka. Welina ku jirta nolol adag. Waxa ay haystaan halkudhegge ah “ Ma doonayno in aanu Tijaar noqono, waxaan rabnaa nabad iyo nolol keliya”. Laakiin eryadaasi ay ku dhowaaqayaan ayaan cidna dheg jalaq u siin madaama aanu jirin tiro, xoog iyo xataa tayo ay ku leeyihiin dalka dhexdiisa.

 

Leave a Reply