Dugsiga Hoose Dhexe ee Guryo Samo oo Abaal Mariyay Arday

0
484

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Dugsiga Hoose dhexe ee Guryo Samo ee Magaalada Hargeysa ayaa abaal mariyay Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga Sannad Dugsiyeedka 2020 ilaa 2021.

Munaasibad lagu qabtay barxada dugsiga hoose dhexe ee Guryo-samo oo lagu abaal marinayay Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, oo ka kala socday waxbarashada, xafiiska imtixaanaadka, wasiirka hore ee dhaqanka iyo dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf, maamulka iskuulka, waalidiin, iyo ardayda iskuulka,

Maamulaha dugsiga Hoose dhexe Guryasamo Imtisaam Ibraahim Ismaaciil oo badal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay sheegtay in mudadii ay joogtay ay wax ka qabatay Dhismaha Digsigan.Waxaana ay tidhi”Waxa idin leeyahay Waalidka gacmo furan ku soo dhawaada waxa aad iga fishaan in aanu aqoontooda iyo edaabtooda ka shaqayno ardayda, waxaana aan imid Dugsigan isaga oo aan lahan albaab xidhma waxaana aan joogaa muddo Saddex sanno oo wax yar la. imikana waad arkaysaan qurux diisa Iskuulka waalidka xaq ayaa lagu leeyahay,”.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa kula dardaarmay Ardayda in ay ku dadaalaan Waxbarashada.Waxaana uu yidhi”Waxa looga baahanyahay Ardayda in ay xejiyaan taariikhdii hore ee uu lahaa Dugsigan Guryosamo, waxaana Macalimiinta wax idiiku dhigayaan in aad dadaashaan,”.

Sidoo kale waxa halkaa hadal ka jeediyay Waalidiinta Ardayda wax ka bartaan Dugsiga Guryosamo kuwaas tilmaamay muhiimada Waxbarashada u leedahay Ardayda.

 

 

Leave a Reply