Guddiga Daryeelka Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka oo Qorshahooda Shaaciyey

0
421

Hargeysa (Dawan)- Guddiga mashruuca daryeelka dadka qaba xanuunka dhimirka oo yeeshay kulan lagaga arrinsanayo xaladdaha dadka qaba xanuunka ayaa sheegay in mashruuca xanuunka dhimirku wax weyn u tari doono caafimaadka dadka xanuunka qaba, kana hadlay qorshahooda mustaqbal.

Kulan guddiga Mashruuca xanuunka Dhimirka oo ka kooban Wasiiradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Caafimaadka Xasan Maxamed Gaafaadhi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani iyo Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Dr Xergeeyo iyo dhakhaatiir kale ayaa wada xaajood ka yeeshay hawlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo warbaahinta hadal kooban ka siiyey ujeedada kulanka ayaa sheegay in hawshu socoto, waxaanu yidhi, “Guddiga Mashruuca Dhimirka waxuu leeyahay sanduuq lagu shubo 200 boqol shillin Somaliland cashuur laga qaado kilo kasta jaadka aynu soo dhoofino.

Dr Sacad ayaa sheegay in kulanka guddigu yahay falanqeynta hawlaha qabsoomay iyo qorshaha mustaqbalka, waxaanu yidhi, “Mashruucu waa qeyb ka mid ah Wasaaradda Caafimaadka, waxa maamula Dr Yacquub, oo ku takhasusay xanuunada Dhimirka. Waxaan rajeynaynaa in mashruucani wax badan ka bedeli doono dadka qaba xanuunka Dhimirka.

Xukuumada ayaa 8 December 2020 ansixintii miisaaniyadda 2021 ku dartay cashuur Wasaaradda Maaliyaddu saarayso Qaadka dalka yimaada, 200 SL SH ah halkii Kiiloo (Per Kg). Dhaqaalaha Sanduuqa ka soo baxa ayaa lagu daryeeli doonaa dadka xanuunka dhimirku hayo.

 

Leave a Reply