Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo la Wakiillada

0
378

Hargeysa (Dawan)- Maareeyaha wakaaladda Biyaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa shalay la kulmay guddi hoosaaska golaha Wakiillada ee deegaanka, khayraadka dabiiciga ah iyo wax soo saarka tamarta ee golaha wakiillada Somaliland.

Maareeyaha wakaaladda biyaha ee Hargeysa oo ka warbixinayay ujeeddadii uu daaranaa kulankaasi ay la qaateen guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ayaa sheegay in mashaariic kala duwan oo lagu maalgelinayo biyaha caasimadda Hargeysa ay socoto, kuwaas oo ay taageerayso xukuumadda Somaliland iyo hay’aduhu. Waxaana uu tilmaamay in mashaariicda socda ay ka mid yihiin ceelasha laga qodayo Laas Guure, mashruuca Jarmalka ee biyo-gelinta Hargeysa, oo dhismihiisa ay ku baxayso 17 Milyan oo lacagta Yuurada ah.

Geesta kale, maareeyu waxa uu xusay in mashruuca biyo ballaadhinta ee Hargeysa uu marayo meel fiican, isagoo xusay in ahmiyad gaar ah siinayaan ballaadhinta biyaha Hargeysa oo ah caasimad ay si weyn u korayaan dadkeedu, isla markaana ay markii ugu dambaysay ee biyo la geliyaa ay ahayd 1972-kii.

Gebogebadii, guddoomiyaha guddi hoosaaska guddida deegaanka, khayraadka dabiiciga iyo waxsoosaarka tamarta, Mubaarig Muuse Ismaaciil ayaa uga mahadnaqay mas’uuliyiinta wakaaladda biyaha ee Hargeysa siday u soo ajiibeen dalabkooda, waxaana uu tilmaamay in xagga shuruucda ay kala shaqayn doonaan mas’uuliyiinta wakaaladda biyaha ee Hargeysa.

Leave a Reply