Somaliland: Walaac laga Muujiyay Xaalada Covid-19

0
373

 

Hargeysa (Dawan)- Guddiga ka-hortaga iyo Xakamaynta Caabuqa Xanuunka COVID19 ayaa bulshada ugu baaqay inay qaataan talaalka, oo raacaan talooyinka bahda caafimaadka ee ka hortaga xanuunka oon lahayn wax daaweyn ah isla markaana la raaco awaamiir ay soo saareen.

Kulan warbaahinta ay kula yeesheen xarunta Madaxtooyadda shalay xubno guddiga ka-hortaga iyo xakamaynta caabuqa COVID19 ayey shaaciyey inay si xawli ah u kordhayaan tirada dadka xanuunku ku dhacayo labadii bilood u dambeeyey, isla markaana u soo jeediyey bulshada inay raacaan talooyinka lagaga hortago, oo talaalka iyo kala fogaanshadu u horeeyaan.

Wasiirka Caafimaadka Xasan Maxamed Gaafaadhi oo ka waramay xaalada guud ee caafimaadka dalka ayaa sheegay in caabuqii xanuunka COVID19 wejigiisa saddexaad si xawli ah u soo kordhay, waxaanu ugu baaqay bulshada inay raacitaan talooyinka dhakhaatiirta, isagoo yidhi, “Dadkii bishii August u geeryooday xanuunku waa 16 qof, bishan September waxa caabuqa laga baadhay 6,996 waxa xanuunka laga helay 906 qof, waxa u geeryooday 50 qof.”

Wasiir Gaafaadhi ayaa sheegay in xogtaasi tilmaamayso sida xanuunku u xoogaystay, waxyeeladiisuna u weyntahay, waxaanu yidhi,

“Waxaan bulshada u soo jeedinayaa in talaaladda la qaato, maadama la hubiyey in qofka aan talaalka qaadan uga halis badan yahay xanuunka qofka talaalka qaata.”

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa bulshada xusuusiyey in caabuqa COVID19 aanu wax daaweyn ah lahayn, balse ka hortag keliya, waxaan sheegay inay bulshadu ku dhaqanto talaabooyinka lagaga hortago oo hore in badan loogu sheegay, waxaanu yidhi,

“Caabuqa COVID19 daawo ma laha, waxa lagaga hortaga Af-xidhashada, kala-fogaanshaha iyo nadiifinta gacmaha, iyo inaad talaalka qaadatid.”

Dr Sacad ayaa bulshada ugu baaqay in qofkii ka shakiya inuu xanuunku hayo is-baadho, hadii laga helo qofka waa inuu is-karantiimo, oo dadka kala ka fogaado si aanu u qaadsiin, waxaanu yidhi,

“Bulshada waxaan ugu baaqaynaa inay talaalka qaataan, xanuunka oo badi soo rita dadka waaweyn iyo kuwa xanuunada kale (macaanka-) qaba, wejiga saddexaad ee caabuqa COVID19 talaal iyo digtoonaan aynu kaga hortagi karnaa keliya.

Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xueen Albaani oo ka hadlay xaalada caabuqa xanuunka COVID19 ayaa bulshada ugu baaqay inay soo celiyaan talaabooyinkii kala fogaanshaha, isagoo sheegay in xanuunadu yihiin waxyaalaha Ilaahay keeno, waxaanu yidhi,

“Xanuunadu waa waxyaalaha Ilaahay keeno, isagaana qaadi kara. Caqiidadeeena waxa ka mid ah in waxii Ilaahay keeno ee qadar ah lagu samro, oo lagu raali noqdo, shareecadu waxay inoo ogolaatay, oo innagu guubaabisay in xanuunada la iska daweeyo.”

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshada hadii xanuunada faafa dhacaan, ama qofka uu haleelo in la is-karantiimeeyo, waxaanu yidhi, “Nebigu CSW waxuu yidhi hadii daacuun ku dhaco wadan aad joogtaan haka bixina, hana imanina meel uu daacuun ku dhacay, qofkii uu haleelana yaanu bixin.

Wasiirka Diinta Sheekh Cabdirisaaq ayaa sheegay in dad badan oo marka xanuunadu faafaan isku daya inay qadarka Ilaahay ka cararaan, laakiin waxaanay ogeyn inay xanuunkii sii faafinayaan, aduunkuna maanta way isla qaateen in la is-karantiimeeyo, waxaanu Shacabka Somaliland ugu baaqay inay talooyinka bahda caafimaadka iyo guddiga Qaran ee ka-hor-taga caabuqa COVID19 qaataan.

Sheekh Cabdirisaaq Albaani ayaa bulshada u soo jeediyey talooyin loo baahan yahay raacitaankooda, waxaanu yidhi, “Dhamaan goobaha la isugu yimaado, hudheelada, maqaaxiyaha, masaajidada, madaariista, iyo malcaamadaha waa in la soo celiyo hanaankii kala fogaanshaha.”

Leave a Reply