Faallo: Dhallinyaro Fadhi Dambe Inooma Yaal

0
256

Qore Xuseen Cali Nuur

Qalinjabinta jaamacadaha dalka ee sannadkan muuqaalka guud, waxay u muujinayaan dunida in waxbarashada Somaliland loo siman yahay. Waxase intaas u dheer in qaab dhar-qaadashada dharka ee habluhu ka duwan yahay kuwa dunida maanta, yahayna mid waafaqsan dhaqankeenna. Waxana loo baahan yahay dhawrsanaantaas.

Tirada guud ee Ardayda jaamacadaha, dugsiyada sare iyo hoose ee gudbay, waa mid lagu farxo. Waxase si gaar ah ugu riyaaqaya waayeelka ogaa in tirada arday ee Somaliland u dhalatay, aanay ka badnaan jirin dhawr Boqol.

Waxaanay xasuusanayaan waayeelkaasi xilligii gumaysiga Ingiriiska in barashadu ay ahayd mid ku kooban danaha loogu adeegayo ciddii xilka haysay oo kaliya.

Khudbadihii munaasibadihii qalinjabinta jaamacadaha ay ka jeediyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirro, Madaxda jaamacadaha, axsaabta iyo aqoonyahannadu, waxay ahmiyad gaar ah sannadkan siinayeen dhallinyarada. Waxay hoggo-tusaaleynayeen waajibaadka ka saaran waalidka, intii ku soo tacabtay iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo u fududeeyey, siiyeyna fursad dalka gudihiisa laamaha kala duwan ee ay ka qalin-jabiyeen.

Sannadkan xafladuhu waxay kuwii hore kaga duwanaayeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo guud ahaan dhallinyarada gaar ahaana inta qalinjabisay ugu bushaareeyey in Jamhuuriyadda Somaliland saddexda Khayraad ee dal u baahan yahay ay wada haysato. Waxana ka mid ah in macdanaha kala duwan ee dalka, oo dihin uu dahabku yahay macdanta ugu badan ee Geeska Afrika.

Nimcooyinkan ay ka mid yihiin Beeraha iyo Xooluhu waxa soo raaca khayraadka badda iyo ahmiyadda istaraatajiyadeed ee dib u soo noolaatay.

Jamhuuriyadda Somaliland qalinjabinta waxa farxadeeda ku soo beegmay heshiis midowga Yurub iyo JSL ay kala saxeexdeen. Heshiiskaas oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha ee dalka, wuxuu diirada saarayaa Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool, waxana udub dhexaad u ah dhallinyarada oo qayb ka ah mashaariicdan iyo kobcinta dhaqaalaha. Lana siin doono maalgelin iyo deyn ay ganacsi ku furan karaan.

Wasaaradda Qorshaynta ayaa ka masuul noqon doonto hirgelinta Mashruucan hubintiisa, kormeerkiisa iyo inuu waafaqsan yahay qorshaha horumarineed ee dhaqaalaha dalka.

Dhallinyaro waxay ila tahay inaanay idinka qarsoonayn, lana socotiin xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, caafimaad, cimilo iyo deganaansho la’aanta dunida ka jirta.

Waxaan leeyahay maanta aqoon la’aani idinma hayso, in kastoo korodhsiimo aqooneed aan marnaba laga maarmin. Khayraadka sannadkan la sheegay gaar ahaan macdanta, waxaan idiin tilmaamayaa in gumaysigii cadaa iyo taliskii Soomaaliya inay isku dayeen ka faa’iidaysigooda, raadkoodiina uu muuqdo.

Ilaahay baa ka badbaadiyey, idinkuna simay khayraadka dalka oo dihin. Waxa loo baahan yahay inaad wacyigelin ku wajahan, joojinta carqaladaha sahan baadhista macdanaha dalka ka bilowdaan baraha bulshada. Kaas oo ku jihaysan ka hortagga dadka danaha gaarka ah leh ee adeegsanaya dhallinyaro war-moog ah.

Dhibaatada carqaladahaas waxa tusaale ahaan inoogu filan sababihii dalka Shiinaha oo mashruuc gaasta dabiiciga ah ka waday deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ay faraha ka qaadeen.

Ogaada dhallinyaro fadhi dambe inooma yaal haddii aan u baahan nahay nolol iyo mustaqbal wanaagsan.

Leave a Reply