Xukuumadda Somaliland oo Baaq u Dirtay Caalamka

0
437

 

“Wax shaqo ah kuma lihin doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya”

 

 

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale beesha caalamka u dirtay fariin garnaqsi ah oo ay ugu sheegayso madax banaanida dalka. Isla markaana ay Somaliland tahay qaran madax-banaanidiisa dib ula soo noqday sannadkii 1991-kii.

Xukuumadda ayaa maamulka iyo siyaasiyiinta maamulka aan iskii isu maamulin ee Soomaaliya uga digtay sheegashada beenta iyo khiyaaliga ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha debadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Wargeyska Dawan ayaa lagu yidhi: “Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga Yuru, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee soomaaliya.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii May 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sanno kadib, Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta (Golaha baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.

Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

 

 

Leave a Reply