“Dad Badan ayaa diidan inay istakooran haddii Xannuun ku dhaco”Guddoomiye Saleebaan

0
308

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleeban Maxamuud Aadan ayaa waxa uu guddi wacyigelineed u saaray xannuunka COVID-19 oo mawjadii saddexaad bilaabantay, guddidan ayaa bulshada ka wacyigelin doonta khatarta xannuunka Covid-19.

Sidoo kale mudanayaasha golaha guurtida ayaa saaka waxaa loo qaybiyay xeerka Aasaaska hay’adda shaqaalaha dawladda iyo maamulka shaqaalaha dawlada oo dhawaan ka soo gudbay golaha wakiillada si goluhu waajibaadkiisa uga guto.

Guddoomiye Saleebaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Dad badan ayaa diidan inay is talaalaan, dad badan ayaa diidan inay is takooraan haddii xannuun ku dhaco.

Waxaa loo baahan yahay in aynu wacyigelin sameyno, waar laguna dhimanmaayo, xaaraana maaha, noloshii ayaa ku jira dadku waa dhimanayaan ee waa in aynu wacyigelin u sameynaa, waa in warbaahinta aynu ka baahina wacyigelin la xidhiidha xannuunka Covid-19.

Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada waxaan faraya in xildhibaanada inta ugu hadal karsan guddidiina aad u saarto wacyigelinta xannuunka safmareenka ah ee Covid-19”

Leave a Reply