Wasiirka Beeraha Somaliland oo kulan  Isbarasho Ah la Yeeshay Shaqaale-weynaha Wasaaradda.

0
904

Hargeysa (Dawan) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, ayaa Maanta kulan soo dhaweyn iyo Isbarasho ah la yeeshay Shaqaale-weynaha ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Kulankan oo ay shaqaale-weynaha Wasaaradda horumarinta beeruhu ku soo dhaweynayeen Wasiirka cusub isla-markaana ay isku baranayeen, ayaa waxa Goob-joog  ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Rooble Cabdi Muuse, Agaasime-waaxeedyada iyo inta badan Shaqaale-weynaha Wasaaradda Beeraha.

Waxa ugu horrayn halkaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Yaasmiin Xasan Siciid, waxayna ka warrantay Xaaladda Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Aqoontooda iyo Waajibaadyada kala duwan ee Saaraan, sida ay diyaarka ugu yihiin inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Wasiirka Cusub Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda, sida Agaasimaha guud.

Agaasimaha shaqaaluhu waxay soo bandhigay qorsheyaasha xafiiskeeda ee Horumarinta Shaqaalaha, ka war-haynta kuwa Xanuunsada ama xaalado culus la soo gudboonaadaan, qodobbadaasi oo hore u jiray isla-markaana wakhtigan ay ku raaceen Wasiirka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradduba, iyadoo isla meel-dhigay in la sii horumariyo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Rooble Cabdi Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay kulankan is-barashada ah ee uu la yeeshay Shaqaale-weynaha, isagoo agaasimuhu ka warramay Marxaladihii kala duwanaa ee Wasaaradda iyo shaqaaluhuba soo mareen, Tallaabooyinkii kala dambeeyay ee Madaxdii Wasaaradda soo maray qaadeen iyo sida Shaqaaluhu u yihiin kuwo u dhibirsan inay la shaqeeyaan Madaxdooda.

Agaasime Rooble, oo khudbaddiisa ku soo qaatay Tusaaleyaal badan oo la xidhiidha Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayaa sidoo kale Wasiirka uga warramay Waajibaadyada saaraan Hawl-wadeennada Waaxaha Wasaaradda iyo Agaasime-waaxeedyada.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan oo isaguna gebo-gabadii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kulan isbarasho ah la yeesho Shaqaale-weynaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha, sidaasi darteedna uu Wasiir ahaan ay culayska ugu badan saari doono sidii shaqaale-weynaha Wasaaraddu horumar ballaadhan u samayn lahaa, si gaar gaar ah iyo si guudba, maaddaama oo Shaqaalaha oo la horumariyaa muhiim u tahay socodsiinta hawlaha ay Wasaaraddu qaranka masuulka uga tahay.

Leave a Reply