Jeelka Maxbuuska Horumar Ku Sameeyo!

0
822

Dalka Brasiil ayaa nidaam cusub oo dhaqanka maxaabiista wax ka bedelaya soo rogtay. Nidaamkan ayaa lagu soo rogay jeelasha ay ku xidhan yihiin dad tiro badan, iyadoo nidaammakn cusubi uu ka dhimayo mudada xadhiga dheer ay lagu xukumay.

Habkan oo maxaabiistu ay ku tartamayso akhriska buugaagta waxa lagu magacaaba “ badbaadinta akhriska”, maxbuuska akhriya bishii hal buug waxa mudada xadhigiisa ka go’aysa 4 maalmood, sanadkiina waxa loogu talo galay inuu akhriyo 12 buug, taasi oo ka goyn doonta 48 maalmood.  Jeelashan waxa ku jira maxaabiista ugu caansan dalkaasi ee caadaysata denbiyada, kuna soo noqnoqda xabsiyada.

Buugaagta loogu talo galay ayaa kala aha buugaagta suugaanta, falsafadda, buugaagta cilmiga iyo horumarka hanashada nafta, iyo maadooyinka loo yaqaan Classic oo ah maadooyinka aqoonta Girigii hore iyo suugaanta si qofka ay isbedel ugu sameeyaan oo jeelka ka baxo isagoo nolosha fahansan oo bulshada si fiican ula dhaqmaya.

Maxbuusku marka uu dhameeyo buugga waxa uu samayn doona inuu si kooban u soo bandhigo qoraalka buuga isagoo aan wax isbedel ah ku samayn , isla markaana uu ilaaliyo baragaraafayada, shuruucda iyo xuduuda qoraalka, waana inuu ahaado qoraalkiisu mid la akhriyo karo.  Guddi gaar ah ayaa go’aamisa marka maxaabiistu soo gudbiso qoraalkooda , kuwa u qalma in la siiyo xadhig dhimista isla markaana qoraalkoodu uu noqdo mid gaadhay heerkii laga doonayay.

Duqa magaalada Sao Paulo Mr. Andre Kehdi oo isagu madax u ah mashruuca ku deeqidda buugaagta ayaa yidhi “ Qofku marka uu buugaagtaasi akhriyo sanad kasta , waxa uu ka baxayaa xabsiga isagoo ah qof mug leh oo aragti fogna xambaarsan, isla markaana doonaya inuu wax ka bedelo dunida iskaba dhaaf naftiisa”. Waana buugaag xul ah, oo qofka ka dhigaysa aqoon yahan fikirkii khaldanaa saxaya. Waxaana uu hadalkiisa ku soo xidhay “ Shaki la’aan jeelka waxay ka tegaya isagoo qof wanaagsan ah, oo marna aan ku fikirayn qudhunkii hore, waana isbedel dhab ah”

 

Leave a Reply