Man City oo Muddo Kooban Ciyaari Doonta Saddex Kulan oo Adag, Iyadoo Marti ah

0
743

Kooxda Man City ayaa ciyaaraysa todobaadyo casaasi ah kaas oo go’aamin kara saan-saanta xilli ciyaareedka Man City.

Inkasta oo uu xilli ciyaareedku wakhti hore yahay in la sheego kulamadaas in ay go’aamin karaan xilli ciyaareedka kooxda Pep Guardiola  hadana waxa ay ina siin doontaa tayada dhabta ah ee kooxda Man City.

Kooxda Man City ayaa haatanba min shan gool ka dhalisay kooxaha Norwich City iyo Arseal halka ay sidoo kale xasuuqday kooxda RB Leipzig tartanka champions League.

Laakiin Kooxda Pep Guardiola ayaa ciyaari doonta saddex kulan oo waaweyn kuwaas oo dhamantood ay ahaan doonto kuwo marti ah isla markaas ah kulamo adag oo waaweyn.

Man City ayaa la ciyaari doonta muddo todobaadyo yar ah gudahood kooxaha chelsea, PSG iyo Liverpool kuwaas oo laba kulan oo premier League ah iyo hal kulan oo champions League ah.

Leave a Reply