Ka Faa’idayso  Casharrada Nolosha

0
1023

Hargeysa (Dawan) Marar badan waxaa dhacda in aadan ku qanacsaneyn noloshaada, halka dad badan oo Dunida ku nool ku riyoonayaan noloshaada oo kale inay helaan.

Wiilka Beerta jooga wuxuu arkaa diyaarad dushiisa maraysa, wuxuuna ku riyoodaa inuu duulo. Laakiin, Pilot-ka Diyaarada wada wuxuu arkaa beerta quruxda badan wuxuuna ku riyoodaa inuu guriga ku soo noqdo si nabad ah.

Haddii Taajirnimadu tahay sirta farxada, kuwa badan oo taajiriin ah ayaa ku noolaan lahaa Nolol aan stress iyo buuq lahayn, laakiin kuwa saboolka ah waxay guryaha dhisaan ama alaab xamaalaan iyagoo heesaya oo faraxsan.

Haddii Xukunka iyo Awoodu xaqiijiyaan Amni, Madaxda ayaa lugeyn lahaa iyagoo Ilaalo wadan balse kuwa u nool sida fudud ayaa casariye iyo caweys ku qaata maqaayadaha hawada furan iyagoo keligood ah.

Haddii Qurux iyo magac keenaan xiriir waara, kuwa caanka ee heesa ama Filimaanta jila ayaa yeelan lahaa Guurka ugu wanaagsan, Laakiin waxay hada heystaan diiwaanka furiinka ugu badan

Hadaba, Farxada iyo qanacsanaanta Nolosha kuma xirna Xoolo badni, Derajo, Xil, Muuqaal iyo Magac ee waxay ku xiran tahay sida qofku ugu qanacsan yahay Halka uu joogo iyo Waxa uu ku heysto, Waxay ku xiran tahay sida qofka ugu xiran yahay Rabigiis, Sida qofka carabkiisa u baro uguna celceliyo Xuska Alle.

Xusuusnow, Wax kasta oo aad heysato waxay ka sugnaadeen Xag Alle, ku xirnow oo ku Xamdi-naq Alle xilli kasta

Dheh – Alxamdulilaah

W/Q: Farah Cawaash

Leave a Reply