Munich oo Wada-hadallo Rasmi ah la Furtay Xiddig Reer Chelsea ah iyo Qaabka ay ku Doonayaan

0
583

Kooxda Bayern Munich ayaa bilowday wada-hadallo hordhac ah oo ay xagaaga dambe si xor ah kula soo saxeexanayso Antonio Rudiger iyada oo wada-hadallada heshiiska cusub ee Chelsea ay wali sii socdaan.

Rudiger, oo qandaraaska uu ku joogo Stamford Bridge uu dhammaan doono dhammaadka xilli ciyaareedkan, ayaa laf -dhabar u ahaa difaaca Chelsea illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, isagoo ka caawiyay inay bilaabaan guuldarro la’aan xilli ciyaareedka cusub.

Bayern ayaa rajeyneysa inay ku qanciso Rudiger in dib ugu laabashada Jarmalka ay noqon doonto go’aanka saxda ah ee uu qaadan karo haddii uu doorto inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Goal.

In kasta oo wada hadaladu ay yihiin kuwo aad u bilow ah, waxay bilaabeen, iyadoo Bayern ay la xidhiidhay wakiilka Rudiger Sahr Senesie.

Labada kooxood ee Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xaaladda 28 jirkan, halka Chelsea ay weli ku rajo weyn tahay inay heshiis cusub ka saxeexato.

Leave a Reply