Somaliland ha Tashato  inta aanay Xaaladdu Gaadhin Faro-ka-bax

0
479

Cumar Maxamed Faarax

Hargeysa (Dawan) Waxa dunida ku sii xoogaysanaya, isla markaana kolba marxalad cusub gelaya Xannuunka COVID 19 oo  labadii sannadood ee u dambeeyey adduunka geliyay duruufo adag, saameyna ku yeeshay isku socodkii iyo Ganacsigii adduunka.

Xannuunkan oo mawjadii saddexaad maraya, waxa ku nafwaayey  oo uu sahayday dad gaadhaya  Afar Milyan iyo 757 Kun oo qof. Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Waxa xannuunkan oo xawaare ku faafayaa uu ku dhacay dad ka badan 232 Milyan oo qof oo ku kala dhaqan Caalamka oo dhan.

Coronavirus wuxuu noqday  mid albaabada u xidhay meheradihii ganacsiga, jaamacadihii iyo dhammaan goobihii Waxbarashada, kuwaasi oo dalalka qaar ilaa maanta ay  ku jiraan xanibaadihii ay soo rogeen sannad ku dhowaad, halka waddamada qaarkoodna ay hadda khafiifiyeen xayiraadihii ka dhashay xannuunkaas, iyagoo wali ka digaya inay jirto halistii xannuunkaasi.

Culimada Caafimaadku waxay sheegeen in sida kaliya ee lagaga badbaadi karo Coronavirus ay tahay, iyadoo sideeda loo raaco tilmaamaha caafimaadka ee caalamiga ah iyo in la qaato tallaalka xannuunkan lagaga hortagayo oo noqday dawada kaliya ee ilaa imika lagula dirirayo xannuunkan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku dhufatay mawjadii saddexaad ee xannuunka Coronavirus, hase ahaatee waxaynu  ku jirnaa maxalad aan xadhkaha goosan oo  la xakameyn karo, haddii shacbigu u dhego-nuglaadaan talooyinka bahda caafimaadka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay sheegtay in ay hore u diyaarisay ogsajiinta ay u baahan yihiin dadka uu soo rito COVID 19.

Warbixinta maalinlaha ah ee ay shalay soo saartay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku, waxay ku iclaamisay in Sabtidii oo kaliya xannuunkaas laga baadhay 475 qof, iyadoo COVID 19 laga helay 84 qof, taasi oo muujinaysa kor-u-kac xad-dhaaf ah.

Waxa kaloo Sabtidii xannuunkaas u geeriyooday 5 qof, taasi oo dadkii xannuunkaas u dhintay labadii sannadood ee la soo dhaaftay inta la xaqiijiyey ay tahay  403 qof.

Sidaas si la mid ah waxa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, uu sheegay in Bishan September dadka Coronavirus laga helay ay gaadhayso 1,100 qof.

Haddaba, marka aad eegto wacyiga bulshada Somaliland ka qabaan xanuunkaas,waxaad dareemaysaa in aan sidii loo baahnaa loo dhaqan gelin tilmaamihii caafimaadka. Waxa aad u yaraaday dadka sita af-xidhka iyo kuwa ku dedaalaya inay ilaaliyaan masaafada iyo kala fogaanshaha.

Waxa la innooga baahan yahay si aynaan u gaadhin marxalad faro-ka baxa ah in Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida heer qaran ee xakameynta COVID 19 ay soosaaraan go’aamo la xidhiidha sidii loola tacaali lahaa xanuunkaas halista ah.

Meelaha u baahan in  dadka la kala fogeeyo oo la fuliyo awaamiirta bahda caafimaadka waxa ka mid ah Dugsiyada Waxbarashada, Jaamacadaha, xafiisyada iyo  suuqyada magaalooyinka oo aad moodo in aanay aaminsanayn  halista laga digayo.

Waxa daruuri ah inaynu caafimaadkeena ilaalino inta aanay xaaladdu meel halis ah gaadhin, waxana qof walba iyo qoys kasta looga baahan yahay in aanay xannuunka u keenin dadka waayeelka ah iyo waalidka xannuunada kale qaba oo haddii uu Coronavirus ku dhaco uu waxyeelo weyn gaadhsiin karo.

Leave a Reply