“Dadka ugu Badan ee Covid-19 u Dhimanaya waa kuwa Aan istallaalin”Xildhibaan Jirde

0
375

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha Guddida arrimaha bulshada golaha guurtida Somaliland xildhibaan Axmed Daahir Jirde ayaa mudanayaasha golaha guurtida Somaliland uga warbixiyey kulano xogwareysi ahaa oo ay gudidaasi la soo yeesheen Masuuliyiinta cisbitaalka guud magalada Hargeysa iyo maareeyaha wakaalada biyaha Hargaysa.

Xildhibaan Axmed Daahir Jirde ayaa Warbixintiisa ku sheegay in masuuliyiinta cisbitaalka guud magaalada Hargeysa ay gudidaasi uga warameen in mowjado cusub oo xanuunka covid 19 ka ay arkeen bishii todobaad ee sanadkani ,halka bishii siddeedaad la arkay dad badan oo xannuunkani haleelay iyo Dhimasho badan, Waxaa kale oo Mas’uuliyiinta Cisbitaalku ay Sheegeen in dadka ugu badan ee Xannuunkani haleelay ay yihiin kuwii aan qaadan Tallaalka Covid-19.

Dhinaca kalena gudidaasi arrimaha bulshada golaha guurtida Somaliland ayaa kulan xogwareysi ah la soo qaatay maareeyaha wakaalada biyaha magaalada Hargeysa iyo injineerada wakaalada, Waxayna sheegeen in hawsha Biyo balaadhinta Caasimadu ay si fiican u socoto Iyadoo Madaxda Wakaaladda biyuhu sheegay in boqolkii labaatan kaliya ay u hadhsan tahay howshii biyo balaadhinta caasimada H argaysa .

Waxa sidoo kale  guddida arrimaha bulshada golaha guurtida ay  kormeer  ku tageen qaybta shaybaadhka biyo baadhista  oo casri ah.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa saaka waxaa loo qaybiyay xeerka Aasaaska hay’adda shaqaalaha dawladda iyo maamulka shaqaalaha dawlada oo dhawaan ka soo gudbay Golaha wakiillada si Goluhu waajibaadkiisa uga guto.

Leave a Reply