Dhib Kasta Waxa Damiya Xalka Caqliga Wanaagsan!

0
547

Deegaan ayay caado u ahayd in boqor kastaa uu xukunka hayo muddo bilood oo keliya. Marka ay mudadaasi  dhamaatana waxa uu wareeinayaa xukuna iyadoo la geynayo boqorka la bedelay jasiirad badeed cidla ah oo biyo iyo beed toona lahayn si uu halkaasi ugu dhinto, waxaana ay uga jeedaan si aanu u mucaaridin boqorka cusub.

Mudda markii ay arintu sidaasi ahayd, qof kasta oo deegaanka ahi waxa uu aad u necebaystay inuu doonto jagada boqorka mar haddii muddo ka dib u uku dhimanayo jasiiradda cidlada ah.

 

Markii boqorkii talada hayay la shaaciyay in wakhtigii ka dhamaaday oo la qaadayo waxa la saaray Maroodi waxaana lagu soo wareejiyay magaalda isagoo murugo badan ka muuqato, si uu bulshada u maca salaameeyo. Ka dibna doonidii ayaa la saaray si kooxdii qaadi jiraty ay u geeyeen Jasiiradii Boqorada lagaga iman jiray, marka boqorka cusubi bulshada ka soo dhex baxo.

Laakiin waxa yaab noqotay in si kasta oo la baafiyay qofka boqornimo doonaya ay waayeen wax jagadaa soo doonta, markii danbe wiil dhalin yaro ah ayaa yidhi aniga iga dhiga. Aad ayaa loogu farxay inkasta oo ehelkiisu  ay aad uga xumaadeen.

 

Markii la magacaabay ee uu noqday boqor, waxa uu markiiba bilaabay inuu xuuraamo jasiirada boqorada la geeyo, isla markaana baadho xalka ugu fiican ee mushkuladda dawada u noqon kara. Waxa loo sheegay oo uu ogaaday in ay goobtu tahay meel cidla ah oo bahalo galeen ah, Ka dibna waxa uu qortay shaqaale xoog ah, oo kolba qaar uu hoos u geeyo isagoo. Waxa uu  la heshiiyay kooxdii doonida ee sanadka oo dhan aan shaqo kale qaban jirin, boqorka ay qaadaan mooyaane. Waxaana uu u qoray mushahar joogto ah.

Jasiiradii waxa  ay ka gureen geedihii, iyo lafihii boqoradii hore. Waxaana ay ka sameeyeen beero, iyaguna way iska degeen iyaga oo beerahaa iyo nimacda iskaga dhex jiray.

Markii 12 bilood dhamaadeen ayaa la icilaamiyay in wakhitigii boqorka ka dhaamaday oo la geyn doono jaasiiradii berina lagu soo wareejin doono magaalada.

Markii boqorka la saaray  maroodigii kama ay muuqan murugo sidii kuwii ka horeeyay waxaana uu ahaa mid qoslayay, dadkii ayaa la yaabay markii la weydiiyayna waxa uu ku jawaabay: “ Anigu waan qorsheeyay halka aan noloshayda ku dhamaaynayso”. Xikumaduna waa dhibaato kasta waxa lagaga baxaa caqliga oo abuura qorshaha xalka wanaagsan ee buddhiga u ah badbaadada.

Leave a Reply