Lamaanaha Iyo Nolosha Wanaagsan!

0
514

Cilmibaadheyaal u dhashay dalkaasi Scotland ayaa daraasad salka ku haysa sidii loo ogaan lahaa caqliga dumarka iyo samaynta ay ku yeeshaan raga ay nolosha la wadaagaan ama la wadaagayaan sameeyay.

Daraasadan ayaa natiijadeeda lagu sheegay in lagu ogaaday in gabadha caqliga badani ay keeni karto cimri dherer uu ku noolaado ninka ay nolosha la wadaagto ama ay ay u dhaxday,iyada oo noloshoodu noqoto mid tayo leh.

Khubarada daraasadan samaysay ayaa ka socday jaamacadda lagu magacaabo British University waxa ay xoogga saareen dumarka iyo caqligooda,waxaana ay sheegeen khubaradaasi in gabadha  maskaxda ay ka ilaaliso ninkeeda in noloshiisu ay hoos u dhacdo.

Khubaradan oo intii ay wadeen daraasadan sameeyey sidoo kalena tijaabooyin kala duwan ayaa sheegay in ay ogaadeen in raga qaba dumarka caqliga badani ay sidoo kale ka badbaadaan xanuuno badan oo ah kuwa keena inuu ninku u dhinto ama hore u gaboobo.

Xanuunada ay khubaradani sheegeen inuu ninkaasi ka badbaadaa waxa ka mid ah kuwa ku dhaca maskaxda, gaar ahaana marka uu qofka ku furmo buuqa badani iyo fikirka kala duwani.

Khubaradan oo warbixintooda ku daabacay wargeyska Telegraph oo uu kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in gabadha caqliga badani ay tahay mid ka shaqaysiisa maskaxda, sidoo kalena isku daydo sidii ay ula shaqayn lahayd oo u kaalmayn lahayd odaygeeda.

Waxa kale oo ay ka ilaalisaa gabadhaasi ayay yidhaahdeen waxyaalo badan oo keeni kara inuu isku buuqo sida hawlaha guriga oo kale, iyada oo mar wakhti kasta ku xisaabtanta waxa uu ninkaasi gacanta ku hayo, sidoo kalena raadisa waxyaalo dheeraada oo ay iyadu awoodo inay keento.

Dhanka xidhiidhka ayay sheegeen inay kaga wanaagsan yihiin dumarka maskaxda badani,  dumarka kale, iyaga oo marwalba isku daya inay ogaadaan waxa uu odaygeedu ku sugan yahay iyo xaalkiisa,waqtina siisa ay ku wada sheekaystaan.

Leave a Reply