Wacyi-gelinta Xanuunadda oo la Gaadhsiinayo Degaanada Miyiga

0
349

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka furay kulan looga gol leeyahay sidii wacyigelinta caafimaadka loo gaadhsiin lahaa bulshadda ku nool dhulka miyiga ah.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa ayay u jeedadiisu tahay sidii wacygelinta caafimaadka ee xanuunka loo gaadhsiin lahaa bulshadda ku nool deegaamadda miyiga ah ee aanay wacyigelintu gaadhin

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda caafimaadkaa, isku-duweyaasha wasaaradda caafimaadka ee goboladda dalka.

Dhakhaatiirta ka hawl galla wasaaradda caafimaadka iyo xubno ka socday haayadaha caalamiga ah ee wasaaradda caafimaadka wada shaqaynta leeyihiin.

Barnaamijkaasi wacyigelineed waxaa si weyn uga faa’iidaysta caruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sanadood iyo hooyooyinka.

Waxaanay muhiimadu tahay in caruurta yar yar ee aan si cad loo garan Karin xanuunka haya si deg deg ah loo helo cid bulshadda dhexdeedda ah oo fahmi karta ama garan karta xanuunka haya, isla markaana siin karta daawooyinka fudud ee ay u baahan yihiin.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo hadal ka jeediyay kulankaasi wacyigelineed oo soconaya muddo laba maalmood ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u jeedadda shirkaasi faahfaahinayayna waxa uu yidhi, “Hawshani waxaa si weyn uga faa’iidaysta carruurta yar yar, iyo hooyooyinka qaarkoodba. Laakiin, waxaa muhiim ah in carruurta yar yar ee aan si deg deg ah loo gaadhsiin Karin, ama aan loo garan karaynin xanuunka haya, in la hello bulshadda dhexdeedii cid fahmi karta oo garan karta, oo daawooyinka fudud ee ay u baahan yihiin na siin kara.

Muddo badan ayuu noocyo kala duwan oo addeeg daryeel oo bulsho ka socday wasaaradda caafimaadka, ilaa wakhtiyo hore, mar ba heer buu soo marayay. Laakiin gaar ahaan mashruucani aynu imika Save the children la wadnaa, waxaan odhan karaa waa mashruuc midho-dhal ah, oo meelaha uu ka socdo si weyn looga mahadiyay, korna u qaaday access ka ay carruurta yar yari u leedahay in ay helaan addeeg ama in ay helaan ba daawooyinka ay u baahan yihiin”.

“Tusaale ahaan pneumonia-yadda iyo Daria-yadda.Kuwa u baahan heerkaasi, mid ka sareeya in loo gudbiyana wakhtigii ku haboonaa la soo gudbiyo. Taasi waxay keenaysaa in ay yarayso dhimashadda carruurta.

Waxa kaloo mashruucani uu qayb ka qaadan karaa, in xili horeba la ogaado heerka nafaqo ee carruurta, iyadoo taasina keenaysa in aynu rukun weyn oo kale, oo rukumadda aasaasiga u ah dhimashadda carruurta oo ah malnutrition-ka, in iyadana wax laga qabto” ayuu yidhi agaasime Xergeeye.

Leave a Reply