Ujeedada Socdaalka Agaasimaha Madaxtooyadda ee Gobolka Sool

0
243

Laascaanod-(Dawan)- Madaxtooyadda Somaliland ayaa sharaxaad ka bixisay socdaal shaqo oo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Maxamed Cabdi Bile maalmahii u dambeeyey ku joogay Gobolka Sool iyo muhiimadda kulamo uu yeeshay.

Agaasimaha Guud Maxamed oo maalmahii u dambeeyey socdaal ku joogay xarunta Gobolka Sool ee magaalada Laascaanood, ayaa la sheegay inuu kulamo muhiim ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda Gobolka Sool la xidhiidha xog-ogaal u noqoshada xaalada gobolka iyo hawlaha mashaariicaha ka socda.

Fariin shalay 26 September, lagu baahiyey barta rasmiga Twitter ee Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Guud Maxamed Cali socdaal shaqo ku joogo gobolka Sool. Waxaanay u dhignayd sidan:

“Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Mr. Maxamed Cabdi Bile waxuu socdaal shaqo ku joogaa Gobolka Sool.” Ayaa lagu yidhi, iyadoo la raaciyey,

“Md Maxamed waxuu la yeeshay kulamo muhiim ah bulshada Laascaanood iyo mas’uuliyiinta Dawladda si uu uga helo xog ku saabsan mashaariicda iyo howlaha dowladda ee socda.”

Socdaalka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mr Maxamed Cali Bile ayaa imanaya xilli 16 September, bishan kalfadhigii 79aad ee Golaha Wasiirraddu yeeshay oo lagaga hadlayey xaalada guud ee dalka, uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, & dilalka soo noq-noqday ee gobolka Sool, ka dibna Golahu u saaray guddi ka kooban Wasiiro xal u helida arrinka.

 

 

 

Leave a Reply