Hargeysa (Dawan) Wasiiradda wasaaraddaha qorshaynta iyo horumarinta Qaranka mudane Cumar Cali Cabdillaahi, iyo horumarita maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, iyo agaasimayaasha guud ee Qorshaynta mudane Axmed Cabdi Ismaciil iyo shaqo gelinta mudane Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulan la qaatay guddi dhawaan loo xil saaray inay sameeyaan sahan guud, oo lagu ogaanayo heerka shaqo la,aanta dalka.
Sahankan ayaa waxaa wada ayaa waxa si wada jira uga shaqaynaya wasaaraddaha qorshaynta Qaranka, shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo horumarinta maaliyada.
Ujeedada sahankan loo samaynayo ayaa ah in la ogaado heerka shaqo la,aanta wadanka, si loo qorsheeyo in shaqo abuur loo sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland.