Nafaadii Baahida Deeganka Dabooshay!

0
411

Waxa u suurta gashay  gabadha  Lee Gorge oo curyaan inay riyadeeda rumayso. Waxay muddo dheer ku fikiraysa inay  noqoto dhakhtarad.

Waxay labadeeda lugood ay ku weyday shil markii ay yarayd. Wakhtigan da’deedu  wa 37 sano. Waxaana ay wakhtigan muddo 15 sano ah dhakhtarad ka tahay deegaanka ay ka soo jeedo oo ah deegaanka wadiyaan ee gobolka Tushuntushing ee koonfurta dalka Shiinha.

Dhamaan dadka deegaanka ayaa aad u jecel maxaa yeelay qofka kasta oo u yeedha waxay u raacdaa oo ugu tagtaa gurigiisa iyadoo haddana naafo ah.

Waxaana gabadha Lee guursaday nin ka trisan deegaanka,  kaasi oo aad u caawin jiray markii ay dadka bukaanka u tegayso isagoo dhabarkiis ku qaadi jiray.  Waxayna u dhashay  hal wiil. Tan iyo mudadii ay bilwday waxa ay dawaysay dad  gaadhaya 6 kun oo qof iyadoo uu kaalmaynayo ninkeedu. Waxaana ay noqotay naafo dabooshay baahida caafimaad ee deegaanka ay ku nooshahay. (divyabhaskar.co)

Leave a Reply