Guddi Wasiirro ah oo Xukuumaddu u Magacowday Amaanka Gobolka Sool oo Gaadhay Laascaanood

0
367

Laascaanod (Dawan- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa xalay gaadhay magaalada Laascaanood, waxaanay shaaciyeen inay u socdaan hawlaha nabadgelyadda, kulamana la yeelan doonaan waxgaradka iyo bulshada Laascaanood.

Weftiga oo Laascaanood gaadhay xalay fiidkii kana koobnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Maxamed Adan Saqadhi iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Casoowe ayaa lagu sheegay ujeedada socdaalkooda sidii xal waara looga gaadhi lahaa shaqaaqooyinka soo noq-noqda ee ka dhaca G.Sool gaar ahaan degmada Laascaanood.

Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Maayirka Degmada Laascaanood oo ka hadlay soo dhoweynta wefdiga oo fiidnimadii xalay gaadhay Laascaanod ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan wefdiga u yimi dhamaynta shaqaaqooyinka ka dhacay gobolka Sool.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in dadweynaha Laascaanod si weyn u xiisaynayeen imaatinka wefdiga.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Md Siciid Sulu boo hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay masuuliyiinta iyo bulshada soo dhoweysay xilliga habeenimadda.

Wasiirka Gaadiidka Md Cabdirisaaq oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in deegaanka Laascaanood aan soo dhoweyn looga baahnayn balse shaqo looga baahan yahay, wefdigu shaqo u yimaadeen.

Xildhibaan Axmed Cabdi Casoowe, oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Gobolka Sool ka soo baxay oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in wefdi xukuumada ka socda yihiin gurmad dhibaatooyinka gobolka ka jira u yimi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyey maamulka, saraakiisha Ciidamada iyo bulshada ku soo dhoweysay wefdiga uu hogaaminayey duleedka magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi,“Salaadii Duhur Hargeysa ayaan ku soo tukanay, caawana Laascaanood ayaan joognaa, Nabada Somaliland ayey tilmaamaysaa”

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in nolosha bani’aadamka aan qabyo laga waayin, waxaanu yidhi, “Hawlaha gobolka ayaan u soconaa oo nabadgelyadu ugu horeyso, waayeelka iyo dadweynaha dhamaan waanu la kulmaynaa,”

Wefdiga balaadhan ee ka socda xukuumadda ayaa imanaya xilli 16 September, bishan kalfadhigii 79aad ee Golaha Wasiirraddu yeeshay oo lagaga hadlayey xaalada guud ee dalka, uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, & dilalka soo noq-noqday ee gobolka Sool, ka dibna Golahu u saaray guddi ka kooban Wasiiro xal u helida arrinka.

Leave a Reply