Solja oo ka Hadashay Xadhiga Wariye Mawliid Haradigeed oo ka Hawlgala Magaalada Laascaanood

0
408
Hargeysa (Dawan|) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xadhiga wariye Mawliid Ismaaciil Haradigeed, oo ciidamada booliska Somaliland ee magaalada Laascaanood ay xidheen, waxaanay sheegay in sifo sharciga baalmarsan loo maray xadhiga wariyaha.
Sidoo kale waxaa ay Solja ugu baaqeen laamaha ammaanka ee magaalada Laascaanood in ay xoriyadiisa si deg dega ugu soo celiyaan, wariye Mawliid Haradigeed.
Wariye Mawliid Ismaaciil Haradigeed, ayaa ka shaqeeya warbaahinta  Halbeeg Media, oo xafiiskeedu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Warka ka soo baxay xafiiska ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa u dhigna sidan.”Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Sool ayaa magaalada Laascaanood ku xidhay Wariye Mawliid Ismaaciil Digeed oo ka tirsan Warbaahinta Halbeeg Media, Wariyaha ayaa la qabtay isagoo shaqo maalmeedkiisii ku jira maanta oo ah 02/10/2021.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ka soo horjeeda taalaaba kasta oo baalmarsan sharciga taasoo loo maro Xadhiga suxufiyiinta, waxananu u soo jeedinaynaa laamaha amniga inay si deg-deg ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan wariye Mawliid.”
May be an image of 1 person and indoor
Wariye Mawliid Ismaaciil Haradigeed, ahna suxufiga maanta lagu xidhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Leave a Reply