Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Sheegay in la Xidhay Suldaan Saleebaan

0
382

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xal laga gaadhay arrintii dhaawaca loogu gaystay xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf  (Guruje), isla markaana ay hawshiisa golaha kala wareegeen laamaha amniga iyo ehelada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in la xidhay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, si xal waara looga gaadho, dhibtii uu ugaystay xildhibaan Guruje, oo ahaa dhaawac madaxa ka soo gaadhay.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxaan rabba in aan xog ahaan idinku siiyo arrintii aan shalay halkan kaga wada hadalay dhibkii soo gaadhay mudane golaha ka tirsan, hawshaa iyada ah sida hay’addaha abniga iyo qoyskooduba na soo gaadhsiiyeen hawshaasi waa ay inaga wareegtay, dhibanihii ciddii dhibta u gaysatayna waala xidhay, oo ay tahay hawl xukuumadda u taala isla markaasna tallaabadii looga baahna ay qaadatay,”

Leave a Reply