Maamulka Laascaanood oo soo dhaweeyey talaabooyinka lagu xaqiijinayo Amniga Gobolka Sool

0
266

“hawlgalka lagu saarayo dadka u dhashay Soomaaliya waa arrin khusaysa amniga…”Cabdirixin C. Ismaacil Maayarka Laascaanood

Qore. Saleeban Kalshaale
Laascaanood(Dawan)-Duqa Magaalada Laascaanood oo ay weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo xubno kamida Golaha Deegaanka Degmadaasi, ayaa soo dhaweeyey hawlgal lagu sugayo amniga Magaalada iyo Gobolka Sool oo ay Xukuumadda Somaliland ka fulisay qaybo kamida caasimada gobolka.
hawlgalkaasoo bilaabmay, kaddib qiimeyn iyo xaqiiqo raadin ay sameeyeen wefti ka socda xukuumadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda arrimaha guduhu, ayaa Magaalada Laascaanood lagaga raray dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo lagu celiyey Deegaamadii ay ka yimaadeen, kuwaasoo talaabadan looga qaaday si loo xaqiijiyo amniga gobolka, meeshana looga saaro tuhunka laga qabo inay dad shido-wadeyaal ahi ku soo dhex dhuuntaan dadka u dhashay Soomaaliya oo beryihii u dambeeyey ku soo batay Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Laascaanood.
Inkasta oo Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan guddida loo xilsaaray sal-u-dhigida nabad-gelyada magaalo madaxda gobolka ee Laascaanood oo ay ku soo kordheen dilal qorsheysan oo lagu dilay dad masuuliyiin ah, aanay wali war rasmi ah ka soo saarin falalka lagu xidhiidhiyey dadka reer Koonfurka ah ee deegaamadoodii lagu celiyey iyo doorka ay ku lahaayeen nabad-gelyo-darrada gobolkaasi laga dareemay, haddana Maamulka degmada iyo golaha deegaanku waxa ay ku tilmaameen talaabo muhiim ah oo la qaaday xilli ku haboon.
“hawlgalka ay sameeyeen weftiga heer qaran ee u yimi xasilinta amniga Magaalada Laascaanood, waanu tahkiidinaynaa haddaanu nahay golaha deegaanka. wax kasta oo aanu u arragno in amniga lagu sugayo waanu soo dhaweynaynaa annagoo ku hadlayna afkii shacabka iyo afkii golaha deegaankaba”sidaasi ayuu yidhi Duqa magaalada Laascaanood, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmadaasi Cabdirixiin Cali Ismaciil oo Axadda maanta isaga iyo xildhibaano kamida golihiisu warbaahinta qaranka kula hadleen xarunta Dawladda hoose.
September 11, 2021 ayey ahayd markii alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo kamid ahaa golaha deegaanka degmadaas goor fiidnimo ah lagu dabley hubeysan ku toogteen meel ku dhow gurigiisa, kuwaasoo markii ay dilkaas geystene baxsday.
sidoo kale muddo ka hor, ayaa sidaasoo kale loogu dilay gudaha Magaaladaasi Guddoomiyihii guddida Doorashooyinka ee Gobolka Sool, waxaanay dilalka noocaas ahi shacbiga gobolka ku abuureen cabsi iyo dareen xooggan, taasoo sababtay in Madaxweynuhu guddi ka kooban laamaha dawladda u xilsaaro baadhista falalkaasi iyo waliba maareynta nabad-gelyada.
Duqa Magaalada Laascaanood waxa uu sheegay isagoo ka hadlayey rarista dadka aan u dhalan Somaliland “hawlgalka lagu saarayo dadka u dhashay Soomaaliya waa arrin khusaysa amniga. wax kasta oo loo arko in amniga lagu xasilinayana waa lagu khasban yahay”ayuu yidhi.
Maayarka ayaa sheegay inay guddi u saarayaan hubinta iyo uruurinta wixii ay hanti ka tageen dadka la saaray, si looga daba geeyo, waxaanu farriin u diray cid kasta oo shuraako ganacsi ka dhaxaysay ama hanti nooc ay tahayba u haysay dadkaasi “waxa dhacday in dad ay ka tagaan hantidoodii oo la saaray iyagoon diyaarsanayn xaalad deg deg ah awgeed, waxaanu leenahay cid kasta oo dadkaas shuraako la ahayd ama hanti la lahayd intay ilaahay ka baqaan ay dadkaas hantidoodii u xaqiijiyaan oo ay la xidhiidhaan oo sidii ay awalba isu aamineen ay u kala qaataan”
Cabdirixiin Cali Ismaaciil, waxa uu digniin u jeediyey dad reer Koonfurka ah oo wali Magaalada ku dhuumaalaysanaya “Dadkaas Magaalada ku dhuumaalaysanaya waxaanu leenahay oo aanu u soo jeedinaynaa in aad isu soo dhiibtaan Ciidanka Bilayska, si aad u diyaar-garowdaan oo aad idinkoo nabad qaba ugu noqotaan deegaamadiinii”ayuu mar kale yidhi maayarku.
Xubno kamida xildhibaanada Golaha Deegaanka oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay maamul ahaan guddi u saarayaan uruurinta iyo dayactirka hantida ay Magaalada kaga tageen dadkii la saaray.

Leave a Reply