Wasiir arrimaha gudaha oo kulan la Qaatay Golaha Degaanka ee Degmada Laascaanood

0
262

Laascaanood (Dawan) Weftigii uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan masuiyiinta laamaha ammaanka ayaa kulan la qaatay golaha degaanka ee degmada Laascaanood.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kulankaas lagaga wada hadlay xoojinta ammaanka degmadaas, oo dhawaan ay ka dhaceen falal dil ah, kuwaas oo qaarkood aan laaqoonsan cida geystay.

Waxa xusid mudan in dhawaan la amray in ay magaalada Laascaanoood ka baxaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo dib loogu celiyay degaanadoodii.

Leave a Reply