Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo  Soo Kormeeray Degmada Sayla.

0
422

Balligubadle (Dawan) – Badhosaabka gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Sayla ee gobolkaasi.

Wefdiga oo maalimihii ugu dambeeyay safar ku gaalaa bixinaayay degmooyinka gobolkaasi ayaa waxa duleedka degmada Sayla kusoo dhaweeyay, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana ugu horrayn hadallo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay maamulka, waxgaradka iyo odayaasha degmada Sayla, waxaana ay sheegeen inay caleemo qoyan ay ku soo dhaweynayaan badhasaabka cusub ee gobolka Hawd, iyagoo ballanqaaday inay kala shaqayn doonaan arrimaha horumarka gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha dawladda ee degmada.

Geesta kale, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ee ku wehelinaayay badhosaabka kormeerka oo iyaguna goobta ka hadla ayaa uga mahadceliyay bulshada Sayla sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana ay xuseen in degmadani ay tahay degmooyinka waaweyn ee gobolka, sidaas awgeed ay ugu yimaaddeen sidii ay u indho indhayn lahaayeen siday yihiin kaabayaasha dhaqaalaha ee degmadu.

Gebogebadii, badhosaabka gobolka Hawd Axmedyaasiin Maxamed Faarax ayaa uga mahadceliyay bulshada Sayla sida sharafta leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in kormeerkoodani uu ahaa sidii ay u soo eegi lahaayeen xaaladda dadka iyo duunyada ku dhaqan degmada Sayla ee gobolka Hawd, isla markaana ay kormeerkan kusoo mareen badi degmooyinka uu maamulo gobolka Hawd. Badhosaabku waxa uu intaas ku daray inay wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira degmada.

Leave a Reply