Halista Dunida Iyo Tartanka Kibirka!

0
278

26kii, Bishiii September  Sanadkii 1983 ayuu Colonel Branislav Petrov oo ka shaqaynayay xarunta Oko ee dalka Ruushka isla markaana bixisa digniinta hore ee ah inuu jiro weerar hubka halista ah “ Nuclear ” ee ku soo waajahan dalkaasi uu mar qudha ka helay qalabka fariin halis ah oo ka digaysa in gantaal sida madaxyo Nuclear ah laga soo riday dhinaca Maraykanka oo u uku soo soo wajahan yahay Ruushka.

Isla markiiba waxa uu fariin degdeg ah u kala diray dhinacyada ay khusayso waxaana la faray in uu jawaabo.  Ilbidhiqsiyo gudahood ayay xarumaha ciidamada Ruushka ay heegan galeen. Laakiin Colonel Branislav Petrov ayaa ilbidhsiyo yar gudahood haddana ku xaqiijiyay in qalabku bixinayo digniin been ah, qalabka ilaalintuna uu si khalad ah u shaqaynayo jawaabaha uu bixinayaa aanay ahyn ku sax ah.

Markii xarunta la isugu yimi ee baadhis la sameeyay waxa la ogaday in dayax gacmeedka masuulka ka ah la socodka ganataalaha Nuclerka ahi uu bixiyay farriintan khaldan ka dib markii falaadhaha cadceedu ku dheceen daruuro isku cufan oo ku waajahan dhinaca Ruushka kuwaasi oo uu u qaatay madaxyo nuclear ah.

Malintaasi dunidu waxa ay ka badbaaday inuu ka qarxo dagaal culus oo la isu adeegsado hubka halista ah. Laakiin haddana waxa la aminsan yahay in weli hubka halista ahi uu yhay kan keeni doona dagaalka halista ee lagu hooban doono, iyadoo laga yaabo in friimaha beenta ahi ay sabab u noqdaan inuu si dhib yar mar keliya isaga qarxo dagaal la isu adeegsado hubkan khatarta ah.

 

Leave a Reply