Haweenka Laascaanood oo soo Dhaweeyay Mastaafurinta Dadka Reer Koonfur Galbeed.

0
291

Laascaanood (Dawan) Qaar kamid ah haween weynaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumadda Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku noola gobolkaas, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood.

Haweenka oo isugu yimid mid kamid ah hoteelada magaalada Laascaanood, ayaa muujiyay in ay xukuumadda ku garab taagan yihiin howgalka lagu tarxiilayo dadka reer Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Ugu horrayn mid ka mida haweenkaasi waxaa ay tidhi.”Waxaanu halkan u joognaa in aanu taageerno oo isku dhinac taagno xukuumadayadu tallaabada ay qaaday, madaxweynaha Qaranka, wasiirka amniga, badhasaabka, taliyaha qaybta iyo ciidamada amMaanka ee jiidaha hore ku jira”

Haweenka ayaa si gaara bulshada reer Koonfur Galbeed ee gobolka ku noola ugu eedeeyay amnidarada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhici jiray magaalada Laascaanood, iyagoo codsaday in dhulkooda si nabad ah loogu celiyo.”Umada ka timid koonfur, ee walaalaheena waxa laga helay hub qarsoon, oo aynaan inagu ogayn, oo fara badan, hubkaa faraha badani waa kii lagu layn jiray raggeena, yaynaan cabaninin, markii hore waxaynu lahayn amniga suga, amnigiina la sug, umaddiina dhulkoodii ayaa lagu nabad celiyay, markaa, waxaanu leenahay dhulkiina ku nabad gala anana kaayaga”

Haweenkan oo hadalkooda sii wata waxa ay intaas ku dareen, in Somaliland iyo Soomaaliya kala laba dal yihiin, isla markaana loo baahan yahay in qolo waliba waddankeeda iyo maamulkeeda ku noqoto.”Dadka Soomaaliya kasoo hadlaya waxaanu leenahay, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba kala dal, madaxweyne la yidhaa Lafta-gareen ayay leeyihiin ha u tageen  Lafta-gareen, anaga madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi, xukuumadayadu waa Somaliland, ciidamadayada waanu ogolnahay”

Xukuumadda Somaliland ayaa 2 bishan magaalada Laascaanood ka bilowday howlgal lagu masaafurinayo dadka ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ilaa hadda inta la habo  la tarxiilay 700 oo qof oo iskugu jira, rag, haween iyo caruur.

Leave a Reply