Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland oo Macalimiinta Digniino Adag Dul dhigay

0
678

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa macalimiinta ka hawl gasha gudaha dalka ku wargeliyay , in dhammaadka sannadkan macalinka aan haysan  liisan ay wasaaraddu bixinayso aanu  Somaliland macalina ka noqon karin waxna ka dhigi karrin.

Sidoo kale wasiir Toorno waxaa uu xusay in  shuruudaha looga baahan yahay macalimiintu marka ay qaadanayaan liisanka in sitaan waraaqda danbi la’aanta, waraaqda caafimaadka, iyo in darajada macalinku wax ugu dhigaya ardayga inay tahay mid ka sarraysa ta ardayga uu wax ku baro.

Waxaanu sidan ka sheegay xuska maalinta macalinka adduunka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo hal ku dhig looga dhigay “Barayaashu waa sida garkiyo guusha nololeede, waa xididka geedaha cilmiga dib u godlee soora”

Wasiir Toorno isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Dhammaadka sannadkan macalinka aan liisan haysan, Somaliland macalin kama noqonayo ee ogaada, anaga oo idin ixtiraamayna duruufihii aad ku soo shaqeyseena og.

Saddex shuruudood ayaa ku xidhan macalinimada, in macalinku haysto shahaado darajo ka sarraysa darajada uu ardayda wax ugu dhigayo, haddii uu dugsi sarre wax ka dhigayo waa in uu jaamacad ka baxay, haddii dugsi hoose dhexe wax u dhigayana waa in uu dugsi sarre ka baxay, haddii uu arday jaamacadeed wax u dhigayana waa in uu PHD sito.

Sidoo kale waxa looga baahan yahay waraaqda danbi la’aanta, isla markaana uu soo caddeeyo in aanu danbi lahayn, sababto ah qofku danbi wuu geli karraa, marka qof maxkamaddii xukuntay oo danbi lagu helay arday laguma aamini karro, shaqo kale ayaa loo diraya waxaana la odhanaya arday waxba u dhigi maysid.

Waxaa kale oo laga rabba waraaqda caafimaadka, in aanu qabin xannuunada neefta lagu kala qaado, haddii kale xannuunkii ardayda ayuu ugudbayaa, balse macalinka xannuunsada ma eryayno ee waynu daweynaynaa, marka uu bogsado ayaynu shaqada ku soo celinaynaa”

Leave a Reply