Aqoontu Waa Hubka Isbedelka Dunida!

0
629

Marka ilmaha yari uu ku dhex koro qoyskooda, waxa ay taasi siisaa dareen iyo fikir wanaagsan, waxana ay halkaasi noqotay meesha ay caruur badani ka bilaabeen curinta iyo wax soo saarka. Laakiin dhinaca kale waxa jira caruur badan oo waayay koritaankii waalidnimo oo haddana dunida halyayo caan ka noqday. Ubadkaasi oo weliba la koray qoysas aan ahayn waalidintooda.

Madaxweynihii 42aad ee Maraykanka Bill Clinton ayaa la sheegay inuu aabihii dhintay isagoo oo yar isla markaana ay hooyadiina ka safartay. Clinton sida la sheegay waxa korisay ayaydii. Markii uu gaadhay da’da 15 sano ayay hooyadii soo noqotay iyadoo guursatay nin lagu magacaabi jiray Roger Clinton.

Magaca Clinton ayaa ahaa qoyska hooyadii uu dhaxday, mana ahayn magacii aabihii. Sidaa darteedna isaga oo ku soo barbaaray noloshaasi aan waalidku shaqo ku lahayn haddana waxa uu noqday nin caan ah oo gaadhay heer madaxweyne.

Sidaasi oo kale ayuu Nelson Mandela uu leeyahay qisas cajiib ah. Nelson aabihii wuxu dhintay isagoo yar, taasi oo keentay inay hooyadii awoodi weydo korintiisa waxaana ay u dhiibtay qoyskii ku jiray qasrigii great palace. Waxaana muddo dheer Mandela xanaanayn jiray nin lagu magacaabo  Jongintaba Dalindyebo isagoon hooyadiina arag. Haddana waxa uu noqday ninka dadka madow ee koonfur Africa caanka ka noqday ee gaadhay madaxweyne, isla markaana halganka u galay inay dadkiisu ka xoroobaan gumaysigii cadaanka. Nolosha iyo kooriinka adagi qofka iskama hor taagaan inuu sameeyo horumar iyo inuu noqdo qof bulshada magac iyo maamuus ku leh.

 

Leave a Reply