Madaxweynaha Oromiya oo lagu Soo dhaweeyay magaalada Jigjiga

0
705

Jigjiga (Dawan)  Waxaa magaalada Jigjiga soo gaadhay wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Degaanka Oromiya Shimalis Abdhisa,.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ku soo dhaweeyay madaxda degaanka u sarreeysa oo uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar, ku xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo masuuliyiin kale.

Intaa kaddib wafdiga Madaxweynaha Oromiya oo uu weheliyo Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Jinacsani oo kamid ah degaanka Oromiya.

Jinacsani ayaa waayadii hore ahayd magaalo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, balse markii dambe laga dhigay degaanka Oromiya.

Booqashadan Madaxwaynaha Oromiya ee jinacsani ayaa noqonaysa tii u horeysay tan iyo intii loo doortay inuu noqdo madaxwaynaha rasmiga ah ee Oromiya.

Leave a Reply