“Cayeey Ninkeed Sudhan” Qore Ibrahim (Qumaash)

0
469

“WQ” Ibrahim Adam Elmi-Galaan “Qumaash”

Waxaynu afar sanadood maqlaynay cay media lala taaganyahay oo reer guud ku socota oo madaxweyne ku socota waxaana sabab u ah ayaan isleeyahay maskax guurkii kursiga waad la weydee kursigu waa qadar ilaahay iyo inaad u soo marto wado dheer oo xajiin badan “rocky road” waxaa hadafkiisa iyo damaciisa ka midho dhalin karta o keliya inaad tahay geesi leh samir, adkeysi, kudhac, codkar, dulqaad iyo inaad tahay nin-celis rabi iyo ragba yaqaan oo Sokeeye iyo shisheeye rag wax iskaga tiriyoon agtiisa dhii-dhii xabag gardaro looga goosan karin

waxaynu aragnaa inamo yararoo aan “ishta” la barin afkooduna shaandho lahayn wixii ku soo dhaca ay isagu mid tahay oo wali xulbadii caruurnimo ka urayso o siyaasada loogu sheegey cay iyo aflagaadada reeraha kuwaa Waxaynu leenahay “maliibaanihii diriyaa loox u daabacay”

aniga cayda waxa lay baray ceeb, xishood la’aan iyo badawnimada halka ugu danbaysa laakiin qofka markii horeba lagu anqariyey geeleenu waligii shan boqol kama yaraan, inagaa dadka ugu badnayn, iyo rageena darka biyaha lagama riixi jirin iyo hadalo cantara-baqashoon sebenka la jaanqaadi karin waa ta sababtay inay cayda ka dhigtaan dhar la xidho. “Ka salaamiyo yaab” waxaynu ku jirnaa saban xumaad kol hadii fulihii geesigii ku dherersanayo, bakhaylkiina faxalkii ku dherersanayo, jaahilkiina caalimkii ku dheresanayo kuwa makarafoonka goorwalba taagani ee qayladooda iyo dhaartooda caruurta iyo dumarku ka seexan la’yihiin dadka uma sheegi karaan “jumla mufiida ee saaqidnimadooda siyaasadeed ayey ku qarinayaan anana hadaanu nahay shacabkii caafimaadka qabay waxaanu leenahay warkiina waraabe u sheega.

Hambalyo madaxweyne inaad tahay fogaan arag 5000km ka arkaaya cadawga somaaliland iyo siyaasada farda fuulnimada leh een mar qudha xakamaha loo debcin qarankana wax tarka u leh kol hadaad Super Powerkii “China” geed qudhaanjo leh ku xidhay.

Kol hadaad kuwii Afrika ee wax isbidayey afka ooda ka saartay qaaqle-yaasha guduhu waa budooy ii oole geediga halkaa ka sii wad. waxaan ku qanacsanahay madaxweynuhu inuu yahay nin og guusha geesigu inay xasad iyo cadaawaba badantahay oon dabaylaha iyo duufaanada lii-liijin karin waxan aad uga xumahay raga aan sare ku sheegey inay qaar soo galeen baarlamanka weedhahooda qaar waxa ka mid ah madaxweynhu colaad gaamurtaybu u qabaa reer hebel hadii mustaqbalka somaliland loo dhiibo nusasaace ayuu ku afrogilahaa.

“Jjiilaal Hawaarsaday=Dadka oo Haraad Qaba

Awrku Heeryadii Dhigay Duunyadiina Hoobteen

Hogoshii U Curate=Haro Wada Biyeyse

Raha Ciida Hoosiyo Shimbiruhu U Heeseen

Hoodaale Yaad Tahay

Hayin Aan Dakaamayn =Ubad Loo Dulhoyiyo

Habasaha Kaliilaha=Damal La Hadhsadaad Tahay

Geesigii Haldoorkee =Maanlintay Haboonayd

Fule Uu Ka Haajirey Noo Hiiliyaad Tahay Noo Hagar-Baxaad Tahay

“Anigaa Daruuraha U Korey Roobka Ii Da’aye

Nina Iima Diirnixin Markaan Daalanaa Shalaye

Israa’iila Waa Loo Dalbaday Dabar Go’aygiiye

Wixiiyo Diyaarado Onkoda Lana Dul Gawdiishay

Rabi Doobirti Iyo Ragba Lagaga Dooga”

guul iyo gobonimo shacabka Somaliland ee sharafta leh daraf ilaa daraf Somaliland-neey laguuma boqo

Daljir/ Ibrahim Adam Elmi-Galaan “Qumaash”

 

Leave a Reply