Somaliland iyo Dawlada Taiwan oo Wada-jir u Daah-furay Mashruuca lagu Kobcinayo Wax-soo-saarka

0
540

Arabsiyo (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Cismaan iyo Safiirka Taiwan u jooga Somaliland, ayaa si wada jir ah xadhigga uga jaray beerta tijaabada kobcinta wax soo-saarka Khudaarta.

Beertan Tijaabada ah ee shalay xadhigga laga jaray, ayaa qayb ka ah mashruuca tayaynta wax soo-saarka beeraha Somalilan oo ay si wada-jir ah u fulinayaan Dawladda Taiwan iyo Wasaradda horumarinta Beeraha oo ka wakiil ah dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Beerta Tijaabada Wax soo-saarka khudaarta oo laga hirgeliyey Degmada Arabsiyo, gaar ahaan duleedka Dooxa weyn ee Agamsaha, ayaa waxa Munaasibadda lagu Daah-furay ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Qorshaynta, Xoolaha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda deegaanka, Safiirka Taiwan u jooga Somaliland, Safiirka Somaliland u jooga Taiwan, Maamulka Degmada Arabsiyo, isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley, Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Beeraha, Beeralay iyo Marti sharaf kale oo tiro badnaa.

Beertan oo Tababar lagu siin doono 36 Beeralay ah, ayaa waxa Masuuliyiintii ka hadleen bogaadiyeen Mashruucan oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, waxayna sheegeen inuu wax weyn ka tari doono dedaallada wax soo-saarka Beeraha, gaar ahaan khudaarta.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan oo halkaa ka hadlay, ayaa dawladda Taiwan uga Mahad-celiyey mashruucan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Beeraha oo Qaranka Somaliland matalaysa “waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qayb-gallo Daah-furka arrin khusaysa sidii aynu wax soo-saarka dalkeena (u horumarino) ama waxyaabo cusub oo aynaan hore ugu fikiri jirin oo ay ka mid tahay khudaarta oo ay inoo samaynayso Taiwan.”

Wasiirka Beeruhu waxa kale oo uu sheegay “Arrintan waxaan uga Mahad-naqayaa Dawladda Taiwan iyo Safiirkeeda Somaliland….” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu bogaadiyey haweenka Beeralayda ah ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Rooble Cabdi Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey Mashruucan wejigiisa koowaad Maanta la daah-furay, waxaanu yidhi “Wasaarad ahaan waxa noo farxad ah Inaanu Maanta Mashruucan hirgelino oo uu noo taabbo-galo. Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Dawladda Taiwan waxay iska kaashanayaan Mashruuc ku aaddan kobcinta wax soo-saarka khudaarta”

Agaasimaha guud wuxuu sheegay oo kale ” Mashruucani wuxuu ku aaddan yahay xagga kobcinta Xirfadda oo keliya” ayuu yidhi.

 

Leave a Reply