Dhimashada Filim Qaadaysha Ka Yaabisay

0
306

Gareth Jones oo ahaa jilaa filimada dhiga oo dalka Ingiriiska u dhashay ayaa sanadkii 1958 ku metelayay Filim inuu ku dhacay wadno xanuun. Laakiin waxa yaab noqotay in isla wakhtigaasi uu si rasmi ah ugu dhacay wadno xanuunku iyadoo kamaradii laga duubayo.

Nasiib daro may jirin cid isku deyday in gargaar degdeg ah uu helo oo Isbitaalka la  gaadhsiiyo maxaa yeelay waxa loo malaynayay inuu weli filmkii metelayo.

Gareth ayaa halkaasi ku naf baxay taasina waxa ay mucjiso iyo yaab ku noqotay filim duubayaashii iyo dhamaan kooxdii filimka ku jirtay sida qisadii filimka ahayd ay mar qudha isugu bedeshay qiso dhab ah.

Leave a Reply