Maalqabeenkii Caruurta Ah!

0
450

Macaulay Culkin waxa  uu ahaa wiil  Maraykan ah oo aad da’diisu u yar tahay markii uu caanka noqday, waxaana u dhashay sanadkii 1980. Markii ay da’diisu gaadhay 10 sano waxa uu bilaabay inuu inuu metelo filimada caruurta. Sanadkii 1990kii, ayuu jilaa ka noqday filimka Home Alone oo ah filimada loogu talo galay madaadalada iyo qosolka qoysaska ( Dumarka iyo caruurta), wakhtigaasi ayuu noqday mid bulshada dhexdeeda aad looga yaqaano.

Markii u metelaadii ugu horaysay sameeyay waxa la siiyay abaal marin dhan $ 100 kun doller, laakiin markii qaybtiisa labaad ee filimka xaaska iyo caruurta loogu talo galay metelay waxa uu helay hanti dhan 4 milyan doller, sidaasi ayuu ku noqday wiilka da’da yar ee maalqabeenka ah , isla markaana caanka ah ee laga xiiseyo TV-ga marka uu soo galo.

Wiilkan yar ee Culkin waxa lagu daray liiska (VH1) oo ah boqolka qof ee xidigaha caruurta ee caalamka iyo weliba liiska 50 caruurta ee dunida ugu wanaagsan dhinaca maskaxda iyo kartida.

Maskaxda iyo kartida uu leeyahay waxa ay kaga khasaariyeen inuu dadka ka qosliyo, iyadoo ayay dhici lahayd inuu curin iyo fikir labadaba keeni lahaa.

Leave a Reply