Guddiyada Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Guurtida oo Kulan Yeeshay.

0
370

Hargeysa (Dawan)  – Guddiyada dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo guurtida ee Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii labadaas guddi uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha ay ugu xilsaaran yihiin labada gole.

Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Axmed Nuur ayaa ka warbixiyey kulankoodaasi waxyaabihii uu daaranaa, waxaanu xildhibaan Axmed Nuur kulankoodaasi ku sifeeyey in uu ahaa mid isbarashro oo ay labada guddi yeeyshaan iyo mid wado shaqeyneed oo ay gudiyadaasi iska kaashanayaan kor u qaadista arrimaha dhaqaalaha wadanka iyo sidii maalgashiyayaal caalami ah loogu heli lahaa dhqalaaha dalka.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha golaha guurtida Somaliland xildhibaan Axmed Nuur waxa uu balanqaaday in kulankoodaasi horseedi doono wado shaqeyn dhex marta labada guddi.

Dhankiisana Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Muxumed oo ku hadlaayey afka gudidaasi dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey in kulankoodaasi daaranaa mid isbarsho iyo mid wado shaqeyneed oo ay wado yeelanayaan labadaasi guddi, waxaanu xildhibaan cabdikariin maxamed balan qaaday in kulankoodaasi u sii socon doono.

Leave a Reply