Guddoomiyaha Jamacadda Golis oo sheegay in ay Xil Gaar ah iska Saareen Ardayda Dadka Nugul iyo Beelaha la Haybsooco Waxbarashadooda oo Lacag la’aan ah

0
938

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Golis Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas,ayaa sheegay in ay ka Jaamacad Golis ahaan xil gaar ah iska saareen sidii ay waxbarashada sare u heli lahaayeen carruurta qoysaska nugul iyo carruurta beelaha la haybsooco oo iftiimiyay in aanay da’yartooda u awoodi Karin in ay ka bixiyaan lacagta Jaamacadaha.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Jaamacaduhu dalka wax wayn ku soo kordhiyeen isla markaana ay ka qayb qaateen horumarka iyo koboca dhaqaale ee dalka iyo hirgelinta nabad gelyada.

Geesta kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Af-ka hooyo ee Soomaaligu uu dayacan yahay oo aan si cilmi ah wax loogu baran isla markaana aqoonta heer jaamacadeed dhammaanteen lagu qaato Ingiriisi,taasoo uu sheegay in ay ingiriisada lafteedu tahay mid aan si sax ah marka dugsiyada la joogo aan loosoo baran.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Jaamacadda golis iyo heerarka aqooneed ee kala duwan ee ay bixiso iyo cilmi baadhisyo kala duwan oo ay dalka ka samaysay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Golis,ayaa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay Wargeysyada Dawan.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka jawaabayay,su’aal laga waydiiyay waxay jaamacadaha dalka ka jira ee faraha badani ay dalka ku soo kordhiyeen, ayaa yidhi. “waa su’aal loo baahan yahay in la is waydiiyo dalka intaas oo jaamacadood ayaa dalka ka furan e maxay soo kordhiyeen,horta waagii hore dalku jaamacad ba muu lahayn oo dugsi sare ayaa innoogu sarreeyay aqoonta,laakiin manta dalka jaamacado badan ayaa ka furan am aka jira dalka waxaana ugu horrayn suura geliyay in jaamacado la furo waa nabad gelyada, nabad gelyada aynu haysano,ayaa suura galisay in jaamacado la furo,jaamacaduhuna dalak wax wayn ayay ku soo kordhiyeen oo ay kow ka tahay in da’yarteenii ay hesho jaamacado ay wax ka bartaan oo ay aqoon u doontaan,waxaa kale oo ay dalka ku soo kordhiyeen oo ay ka qayb qaateen horumarka dhaqaalaha iyo shaqo abuurka oo arday  badan oo jamacadaha dalka ka aflaxay ayaa fikrado hal abuur la yimi,waana loo baahan yahay jaamacadaha oo aqoontii dunida taallay ayay inoosoo guuriyeen oo ay ubadkeenii barayaan,waxaana loo baahan yahay in ay jaamacaduhu tartamaan oo ay yeeshaan heerar lagu qiimeeyo oo markaa keenta in waalidku ilmihiisa u kala doori karo jaamacad hebla iyo jaamacad hebla oo la qiimeeyay,taasna waxaa u xilsaaran gudida tacliinta sare oo uu madaxweynuhuna awood u siiyay isla markaana ku hawlan shaqadaas tartankuna waa wax jira dunida oo dhan.”

Guddoomiye Dr Gaas oo ka hadlayay Jaamacadda golis siday ku kala xusho ardayda kuliyadaha ay ku kala wacan yihiin waxaa uu yidhi. “sida lala wada socdo jaamacadda golis waxay ku dedaashaa in ay ardayda ugu tagto dugsiga sare marka ay ku jiraan oo soo qaado oo ay keento jaamacadda oo ay siiso kaabis waxbarasho oo aanu basas u kirayno keeno jaamacadda Golis oo h jaamacadda ugu laababka badan oo laababka kala duwan ee noo yaalla ay yihiin laababka aqooneed ee ugu badan ee dalka yaalla,ardayda markaa intaanay dhammaysam fasalka afraad ee dugsiga sare ayaanu toos ugu xidhanaa oo aanu ardayga halkaa aqoontiis aka sii kaabnaa markaa marka uu dugsiga sare dhammaysto waxaa uu yahay arday aanu sannad dugsiyeed dhan soo wada soconay markaa ka dibna imtixaan aya alaga qaadaa,ardayguna waxaa la ogyahay kaalinta uu ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa,waxaa la hayaa shahaadasiisii. Markaa anagoo og ardaygu wuxuu ku wanaagsanaa oo aanu aqoontiisa sannadkii ugu dambeeyay dugsigiisa sare,Ayaan qaadanaa.

Tusaale ahaan ardayda soo dalbata caafimaadka waa la dhilaa oo la kala hufaa oo laga qaadaa imtixaan adag kolkaa hadday konton arday soo dalbadaan waxaa ku soo hadha 20 illaa saddex iyo labaatan soo qaatay 12 sano.ayaa ka soo baxa.”

Dr Gaas mar la waydiiyay in ay jiraan waxbarasahda ay ka shaqaystaan ka sakaw in ay jirto wax ay bulshada dib ugu celiyaan oo ay dadka iyo dalka gashadaan,ayuu yidhi. “Dhinaca kale dhanka xoolaha ayaanu wax badan ka qabana ooo waxaanu soo saarnay dhakhaatiir xoolaha ah oo aad u khibrad wanaagsan oo jaamacadda ka tirsan yihiin imika qaarkood,waxaa nalo keenaa xoolaha xannuunsada ama dhali kari waaya ama dhaawacyo soo gaadheen oo aanu qalliino u samayna, waaa kale oo ay dhakhaatiirta xoolah ee jaamacadda Golis aanu u dirtaa dhulka miyiga ah oo ay xoolaha ku soo baadhaan kusoo daweeyaan iyadoo aanay jirin wax lacag ah oo dadkaa reer miyiga ah  laga qaadayaa,anaga ayaa qarashaa isku qabna marka laga reebo dawada xoolaha oo aanu ka helno wasaaradda xannaanada xoolaha.

Waxaa kale oo xataa nalo keenaa oo aanu qalliino u samayna xawayaanada magaalada ku nool sida eyda iyo bisadaha.waxaa kale oo aanu samaynay daraasado kala duwan uu ku saabsan dalkeenu muxuu khayraad leeyahay,sideen uga faa’iidaysan karaynaa waxaan daraasado ku samaynay oo ay sameeyeen aqoonyahanno ka baxay jaamacadda Golis iyo macalimiintayadu biyaha,beeraha macdanta,waxaana noosoo baxay in dalkeenu yahay dal qani ah oo innagu filan laakiin ay jirto aqoon darro innaga haysatay,waxay manta dunidu u guurtay aqoonta tiknoolajiyada waxay Enjineerada IT-ga ee Jaamacadda Golis ka baxay ay daraasad ku sameeyeen side habka casriga ah ee Green hous-ya loo sii horumarin karaa iyo geedku biyo intee leeg ayuu u baahan yahay.

Dhinaca daraasaadka oo keliya maaha waxyaabaha aanu bulshada dib ugu celinaa Jaamacadda Golis ardayda dhigata boqolkiiba soddon waa bilaash oo wax lacag ah kama qaadno waana dariiq ii jeexay Dr Siciid oo jaamacadda aasaasay,waxaanan muhiimadda koobaad siinnaa dadka nugul ee aan ubadkooda waxbarashada ka bixin Karin sida beelaha la haybsooco iyo qoysaska jilicsan.

Dhinaca aqoonta waxbarashadana waxaan isleeyay kaalinta ugu sarraysa ayaad jaamacadaha dalka kaga jirtaan oo  haddaad cisbitaalada dalka oo uu ugu horreeyo ka hargeysa tagto dhakhaatiirta ka hawl gasha inta ugu badani waa ardaydii dhakhaatiirta ahayd eek a baxday jaamacadda golis. Deeqdii waxbarasho ee ardayda dalkeenu ay ka heshay dawladda Taiwan boqolkiiba lixdan ayaa ahaa ardaydii ka baxday jaamacadda Golis waliba labada arday ee ugu sarreeyay ee PHD loo qaatayna waxay ahaayeen ardayda Golis, oo labaatanka arday ee deeqda waxbarasho helay 6 ka mid ah aya ahaa ardayda Jaamacadda Golis,taasina waa guul Jamaacadda u soo hoyatay iyo mid dalka iyo waxbarashadiisa usoo hoyatay.”

 

 

 

Leave a Reply