Isbedellada Midabada Carrabka Iyo Mid Kasta Waxa Uu Ka Sheegayo Caafimaadkaaga!

0
978

Hargeysa (Dawan) Bare-sare Peter Yuren oo ku xeeldheer qalniinka afka iyo ilkaha ayaa sheegay in isbedellada ku yimaadda midabbada carrabku ay tahay muraayad laga dheehan karo xaaladda caafimaad ee qofka, taas oo ay midabbada qaarkood inoo sheegayaan xaalad u baahan gurmad degdeg ah iyo calaamad muujinaysa xanuun khatar ah.

Bare sare Yuren waxa uu caddeeyey in marka ay fiican tahay xaaladda caafimaad ee qofku uu midabka carrabkiisu noqdo basali furan (Midabka ubaxa oo kale) isla markaana laga dareemayo dahaadh khafiif ah oo midabkiisu caddaan yahay, taas oo inta badan ay sababteedu tahay hadhaaga cuntooyinka uu qofku cunayo.

Khabiir Peter Yuren waxa uu sheegay in carrabka oo isu beddela midabbada soo socdaa ay tahay calaamad muujinaysa khatar caafimaad darro:

  1. Caddaan: Haddii midabka carrabka oo aan dahaadhka sare ahayn uu noqdo caddaan, waa calaamad muujinaysa qabow qofka ku dhuftay ama hargab, waxa kale oo ay muujinaysaa xanuunnada ku dhaca habdhiska dheefshiidka.
  2. Huruud: Carrabku haddii uu yeesho midab huruud xiga waxa uu calaamad u noqn karaa in qofka uu hayo caabuq fungi, in uu jiro joonis ama uu beer xanuun leeyahay.
  3. Casaan: Midabka carrabka oo casaan noqdaa waxa ay caalamad u noqon kartaa in qofku uu qabo xanuun caabuq ah haddii kale waxaa ka yar Faytamiin B ama waxa ay dhibaato caafimaad darro ka haysataa dhinca dheefshiidka, beerka ama wadnaha.
  4. Bunni: Midabka bunniga ah ee carrabku waxa uu muujinayaa in qofku uu qabo xanuun dhinaca midhicirada ah, iyo dhibaatooyin dhinaca kelyaha ah.
  5. Midabka dambaska: waxa uu calaamad u yahay xadiidka oo qofka ku yar, ama dhiig yaraan qofka haysa.
  6. Madow: Carabka oo midabkiisu madow noqdaa waxa ay calaamad u tahay in ay jiraan nooleyaal ili-maqabatay ah oo ku nool afka gudihiisa, taas oo lagu naanayso Oral microbiology.

Ugu dambayntii waxa uu khabiirkani ku talinayaa in qof kasta oo is beddel ku arka midabkiisa carrabka ay la gudboon tahay in uu si dhaqso ah ula xidhiidho dhakhtar uu u bandhigo xaaladdan, si loo baadho xaaladda dhabta ah ee keentay, looguna helo dawo ku habboon.

W/D: Kamaal Marjaan

 

Leave a Reply