Siyaasi Ibraahin Buubaa oo Naqdiyay Xisbiga Waddani

0
440

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Siyaasiga Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa naqdiyay Siyaaasada Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee addani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, iyo guud ahaan siyaasadda xisbigaasi.

Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga Waddani aanu hayn hanaankii Kursiga dalka ugu sareeya uu ku hanan lahaa, waxaana uu intaasi ku daray in Siyaasiyiin isku fikir ka yihiin oo saluugsan Xisbiga in ay qab san doonaan xaflad balaadhan.

Ibraahim Buubaa oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aad ka warhayseen in ay yidhaahdeen Xubinimadii Xisbiga waanu ka saarnay waxa aan hubinayay qaraarkaa sharciga baalmarsanaa waxa ay ka qabaan Taageerayaasha Xisbiga,Sannadkii 2017 Doorashada Madaxtooyadda ee dhacday guul daradii Xisbiga soo waajahday oo aanu isku Khilaafsanan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Hanaanka loo marayo qabashada kuriga ugu sareeya dalka ayaanu ku kala fogaanay oo mudadaa wixii ka dambeeyay wax wada shaqayna oo aanu la han may jirin.waxaana farxad ii ah intii Xisbiga Waddani ku jirtay ee isku fikirka ahan aanu meel ka wada taaganahay in aanu Xisbigani hay nin majarihii kursiga loo mari lahaa kana wada baxnay, waxaana iman doonta Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb gali doonaan dad kaas aanu isku fikirka nahay oo Madax dhaqameed Siyaasiyiin iyo Ganacsato leh iyo Qurbojoog,qaladaadkii sharci ee Xisbiga Waddani galay maaha mid la soo koobi karo.waata keentay in rag badan Xisbiga iska casilaan,”.

Leave a Reply