Wasiirka Maaliyada oo Daah furay Adeeg Cusub

0
473

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xafiiska wadajirka innaga caawin doono sidii xogtii dadka ajaanibka ay u wadaagi lahaayeen saddexda hay’adood midwalba qeybtii ka khusaysa, isla markaana tahay guul in dhalinyaro reer Somaliland diyaariyeen.

Kulan uu ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Md Mustafe Cali Bile, Taliyaha Ciidanka Socdaalka S/Guuto Dayib Cismaan Caalin, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdirashiid iyo hawlwadeeno ka socday sadexda hay’adood ayaa lagu daahfuray xafiis qaabilsan hawlaha Jinsiyadaha, fiisayaasha iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada ajaanibka.

Xafiiska adeegyadda wadajirka oo ay ka wada hawlgalaan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Shaqada iyo Laanta Socdaalka ayaa lagu qabtaa adeegyo la xidhiidha Jinsiyadaha, fiisayaasha, iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada Ajaanibka, isla markaana ujeedadiisu tahay in lagula socdo hanaanka kombuuterka mudadda fiisayaashooda iyo wakhtiga ay dhacayaan, goobaha ay ka shaqeeyaan iyo hanaanka loo raacay shaqo gelintooda.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo faahfaahin ka bixinayey hawlaha xafiisku qabanayo iyo muhiimada uu u leeyahay qaranka Somaliland ayaa sheegay in saddex hay’adood wadajir isaga kaashanayaan shaqooyinka xafiiskani qaban doono.

“Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada & Ciidanka Socdaalka ayaa iska kaashanaya shaqada xafiiskan oo fududeynaya hanaanka adeegyada ajaanibka dalka yimaada, oo xilliyadii hore caqabado kala kulmi jireen.”

Dr Sacad ayaa sheegay in muhiimada xafiisku tahay iyadoo adeegyadii sadexda hay’adood masuuliyadooda ahayd xilligan goob keliya laga wada helayo, iyadoo hanaan casri ah loo qaabeeyey.

“Waxuu abuurayaa xafiiska wadajirka in xogtii dadka ajaanibka la wadaago, saddexda hay’adoodna qeybtii ka khusaysay ay ogaanayso. Waxuu sahlayaa in la sii ogaado xogta dadka doonaya inay dalka yimaadaan, hadday dalxiis yihiin, degenaansho doonayaan ama ka shaqeeya.”

Dr Sacad ayaa u mahadceliyey Wasiirka Shaqada & Taliyaha Socdaalka oo u sheegay inaanay la’aantood hawshani suurtagal noqoteen, waxuu sidoo kale uga mahadceliyey dhalinyarada dhinaca IT-ga u qaabilsanayd saddexda Hay’adood ee ka wada shaqeeyey isku xidhka shaqadan.

“Runtii waa hawl Qaran ahaan aynu ku faanayno in diyaarinta & isku xidhka hawsha ay fuliyeen muwaadiniin oo aanu joogin qof ajaanib ah innaga caawiyey.”

Leave a Reply