Wax-garadka iyo Haweenka Laascaanood oo Taageeray Xukuumadda Somaliland

0
292

 

Laascaanood (Dawan)- Cuqaasha Haldoorka & Waxgaradka Gobolka Sool ayaa hoosta ka xaqiiqay inuu ahaa fikir ka yimi bulshada Lascaanood in magaalada laga saaro dad ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana si weyn u tageersan yihiin hawlgalada dawlada & ciidamada amaanku ku sugayaan amaanka magaalada Laascaanood.

Kulan shalay isugu yimaadeen Cuqaasha ugu waaweyn gobolka Sool ayaa tilmaamay inay garab taagan yihiin talaabooyinka xukuumadu u qaaday sugitaanka amaanka, isla markaana ku baaqay in qof kastoo ay ku caddaato la dilo, la xidho ama laga mastaafiriyo magaalad aLaascaanod iyo Somaliland.

Cuqaal badan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan Madaxda iyo ciidamada jooga gobolka Sool hawlaha ay wadaan, qaarkoodna bilaabeen ee ka saarida dadka u dhashay Soomaaliya magaalada laascaanod hadii nabadgelyadu xalkeedu halka galay iyo halkii kale ee u galaba.

Dawladda, ciidamada iyo wefdiga yimi Gobolka iyo Laascaanod ayey shaaciyeen sid ay ugu garabtaagan yihiin wax ka qabashada amniga, isla markaana sheegeen inay u daba fadhiisanaynaa sugitaanka amniga. Waxaanay u soo jeediyeen qolyo sheeganayey inay Guddi yihiin, in laga wanaagsan yahay in saxaafada laga qeyliyo ama dawlada hawlaheeda laga horyimaado.

Cuqaasha ayaa sheegay inay xukuumada iyo wefdiga yimi gobolka Sool, caasimadiisa Laascaanood kula ballameen inay raadiyaan xal u helida dilalka, isla markaana cidkastoo ay gasho ama sababsato xalinta arrinkaana talaabo laga qaado, hadday inla dilo, la xidho, ama laga saaro magaalada noqotana ku taageerayaan xukuumada.

Caaqil kale oo madasha ka hadlay ayaa nasiibdaro ku tilmaamay dilalkii faraha badnaa ee magaalada Laascaanood ka dhacay, waxaanu sheegay hadii wakhtigan xukuumadu bilowday xal u helideeda in bulshada Laascaanood, rag, dumar, cuqaal, haween, arday, aqoonyahan dhamaan qeybaha bulshadu looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay ugu taageersan yihiin, in cid kastoo eedahaasi galaan talaabo laga qaado.

Qaar ka mid ah Cuqaashii kulanka ka hadlay ayaa dhaliilay dad warbaahinta ka sheegay inay ka soo horjeedaan, isla markaana ku dhaliilay inay goobjoog u ahaayeen dilalka dhacayey hadday wax ka qabanayeen, ugun baaqeen xukuumada inay waajibaadkeeda sugida amaanka gobolka Sool qabsato.

Xukuumada Somaliland ayaa ka talisa oo dawlad u ah Gobolka Sool, maamulka laga rabaa amniga dadka iyo dalka inay sugto, isla markaana waxay caddeeyeen in fikrada saaritaanka dadka ka soo jeeda Soomaaliya ka timi bulshada magaalada Laascaanood si nabadgelyadooda loo sugo.

“Fikir bulshada gobolka ka yimi ayuu ahaa in la saaro dadka Soomaaliya ka soo jeeda si nabadgelyada dalka iyo magaalada Lascaanod loo sugo.” ayuu sheegay cuqaashii kulanka ka hadlay midkood

Dhamaan cuqaashii, waxgaradkii, odeyaashii kulanka ka hadlay ayaa isku waafaqay inay taageersan yihiin talaabooyinka xukuumada Somaliland ka wado Gobolka Sool ee lagu sugayo amaanka, isla markaana loogu celiyey Soomaaliya dad ka soo jeeda ee hore u degenaa gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood, waxaanay uguna baaqeen xukuumada iyo ciidamada amaanka inay wax kastoo arrinkaa xalkeedu noqonayo ku dhaqaaqaan, kuna garab taagan yihiin.

 

 

 

Leave a Reply