Xusuuta Abaalgudka Muhiimka!

0
619

Phil Knight oo ah ninka leh shirkadda weyn ee Kabaha iyo dharka samaysa ee Nike ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 1971 codsi u gudbiyay dadka iyo shirkadaha farshaxanka ah si ay ugu sameeyaan calaamadda ganacsiga ee shirkadda “Logo”.

Shirkadda oo wakhtigaasi uu aad hoos ugu dhacay dakhligeedu  isla markaana aan haysan lacag caddaan ah ayuu Mr.Phil sheegay in uu siin doono saacaddiiba $ 2, qofka u sameeya shirkadda, isagoo weliba intaasi raaciyay in aanu wakhtigan bixin Karin ee ay dayn ahaan u yeelan doonaan, madaama aanay haysan lacag caddaan ah.

Dhamaan shirkadaha farshaxanku waa ay iska wada diideen lacagta $ 2, madaama ay dayn ahaan noqonayso.

 

Laakiin gabadh lagu magacaabo Carolyn Davidson oo qaybta farshaxanka “Graphic Design” ka ka baran jirtay Jaamacadda Portland state University ayaa la kulantay Mr.Phil oo aad u werweraya waxaana ay u sheegtay in ay iyadu ku samayn doonto $ 2 saacadiiba.

Gabadhaasi ayaa ay ku qaadatay samaaynta Logo-da shirkaddu muddo 17 saacadood ah.

 

Markii ay dhamaysay samaynta calaamadda logada shirkadda, waxa uu u qoray jeeg lacag dhan $ 34, ahi ay ku qorantay  oo weliba dayn ah. isagoo u sheegay in aanay wakhtigan Baanka lacagi ugu jirin, laakiin ay ka qaadan doonto marka ay lacag ku shubaan Accountka ay leeyihiin.

Calaamadda ay gabadhaasi ay shirkadda u samaysay waa kuwa maanta ugu caansan ee ugu quruxda badan dunida.

Sanadkii 1983 oo shirkada Nike dakhligeedu uu meel aad u sareeya gaadhay,  Mr.Phil ayaa gabadhii Logada u samaysay u yeedhay waxaana uu guddoon siiyay Logada “calaamadda” shirkadda oo dahab laga sameeyay, isla markaana waxa uu shirkadda ugu daray hal saami (share ) oo uu siiyay oo abaal marin uga dhigay iyadoo gabadhan wakhtigaasi dhaqaalaheedu uu aad xumaaday. Shirkadda ayaa sanadkii 2015 heshay faa’iido dhan 273 billion (2015). Taasi oo gabadhaasina ay ku leedahay saami faa’idadaasi. Wanaagga aad samayso abaalkiisa waad helaysaa.

 

Leave a Reply