Fannaanada Kiin Jaamac oo laga joojiyay bandhig-faneed ay Hargeysa ku qaban lahayd

0
305

Hargeysa (Dawan)   Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa joojisay bandhig-faneed ay fannaanada Kiin Jaamac yare caawa ku qaban lahayd magaalada Hargaysa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa lagu yidhi.”Waxaa la farayaa in la joojiyo bandhig-faneedka la qorsheeyay caawa oo taariikhdu tahay 7, 9, 2021, kaas, oo ay qabanayso fannaanada Kiin Jaamac, madaama oo anay jirin wax oggolaansho ah oo ay bixisay guddida awooda u leh bixinta ruqsadaha bandhig-faneedyada”

Hoos ka akhriso nuxurka qoraalka bandhig fanneedka lagaga joojiyay fannaanada Kiin Jaamac Yare.

No photo description available.

Leave a Reply