Fannanada Kiin Jaamac yare oo loo fasaxay Bandhig-fanneedkeeda Hargeysa

0
490
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalint JSL ayaa u fasaxday (Ruqsadiina u siisay) bandhig Faneedka ay caawa ku qabanayso Magaalada Hargeysa Fanaanadda reer Somaliland ee Kiin Jaamac yare kadib markii ay buuxisay shuruudihii masrxiyad faneedka ee Dalka.
Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftuna JSL, ayaa hore go’aan uga soo saartay bandhig-fanneedkaas, iyadoo sababta ay joojisay ahayd in aan ruqsad la’aan masrixiyada la qaban karin lana waafajiyo sharciga iyadoo la ilaalinayo dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan fanka.
fanaanadan oo qurbaha kasoo laabatay iyadoo ixtiraamaysa shuruucda dalka waxay sheegtay inay u hogaansatahay ruqsadiina sidaa ayey kaga qaadatay wasaaraddii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Waciyalinta, sidaasina waxa lagu sheegay go’aan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply